
Waxaa ka soo laabtay socdaal hawleed uu ku tagay Ogadenya Gud.Ku-Xigeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO mudane M. Shariif. Intuu la joogay CWXO ama uu dhex socday dalka wuxuu u kuurgalayay mudane Shariif hawlaha halgan ee ka socda gudaha iyo nolosha dadweynaha sida ay tahay iyo xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo N/hurayaasha CWXO. Warbixintan oo qayb ka [...]
May 20 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Doorashada oo ahady mid siwayn loo so abaabulay ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadkii loogu talagalay oo halkaasi ka dhiibtay cod bixin toodii si ay u doortaan hogaanka guud ee urur waynaha OYSU majaraha uqaban doona. Shirkan oo ka dhacayNairobiayaa waxaa si habsamile u daadihinayey xoghayaha OYSU ee BarigaAfricahalgame Faysal Cabdi. Shirka doorashada ah ayaa [...]
May 20 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Waxaa maalinimadii Axada ahayd taariikhduna kubeegnayd 19/05/2013, kadhacay xafiiska Jaaliyada Somalida Ogadenia ee caasimada wadanka Denmark ee Copenhagen kulan heer saro ah ooy kasoo wada qaybgaleen Maamulka iyo Xubnaha Jaaliyada iyagoo lagu wada gorfeeyay warbixino xasaas ah oo kusaabsan guud ahaan Halganka Somalida Ogadenia gaar ahaan waxqabadka Jaaliyada Denmark. Shirkan oo ahaa mid aad utayo wanaagsan [...]
May 19 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Oslo: Waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay wadanka Norwey caasimadiisa Oslo, shirkii xubnaha Jaaliyadda Soomalida Ogaadenya ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda. Shirkan oo ahaa kii billaha ahaa laakiin se haddana si gaara ay xubnuhu u xiiseeynayeen maadaama goobta kulanka lagu soo bandhigayey waxqabadkii maamulka ee Afartii bilood (4) ee tagay ayaa ku qabsoomay si [...]
May 19 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Taariikhda shucuubta caalamka iyo halganada ay soo mareen waxaa laga korosadaa cibro iyo aqoon. Waxaad ku garanaysaa ahmiyadda Taariikhda sida Quraanka Eebe uu Ilaahay ugaga qisooday umadihii hore iyo cidhibtoodii iyadoo Ilaahay uu ku soo gabagabaynayo – Ku Cibrad Qaata Kuwiina Caqliga Lahow (Factabiroo Yaa Ulil Albaab). Dalka Algeria wuxuu qabsaday Fransiiska 1830. Afartan sano [...]
May 19 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Waxaa ka bilowday Jigjiga dilal qorshaysan oo sida uu noo soo sheegay wariyaheena goobta aan la garanaynin cida ka dambaysa. Dilalkaa qorshaysan ayaa inta badan lagu fuliyaa saraakiil iyo dablay ka mid ah maxaysatada nacabka shacabka ee Hawaarinta loo yaqaano. Waxay subaxnimadii Khamiista ee 16ka bishan dadkii daganaa xaafadda 5aad ee Jigjiga ku waabariisteen 2ba [...]
May 19 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Maalintii shalay oo ay taariikhdu kubeegnayd 16/05/2013 waxaa xerada qoxootiga dhagaxlay ee deegaanka dhadhaab lagu qabtay muxaadaro aad u qiima badan oo ay qabteen ururka culima owdiiinka oo katirsan jaaliyada ogadenia ee xerada kahowlgasha. Ururka culima owdiinka ogadenia ee xerada dhagaxlay oo la aas’aasay horaantii sanadkii 2012 ayaa howlo aad ubalaadhan kaqabtay guud ahaan deegaanka [...]
May 18 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay deegano kamid ah dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato,dagaaladaasi oo lagaga xoraynayo gumaysiga Ethiopia dalka Ogaadeeiya ayaa udhacay sidatan; Dagaal xoogan oo u dhexeeyey N/Hurayaash CWXO iyo Askarta gumaysiga oo ka dhacay 03/05/2013 deegaanka Dibiraweyne oo Dhagaxbuur katirsan ayaa waxaa Askarta [...]
May 17 2013 | Posted in
Warar |
Read More »
![DSC00428[1] DSC00428[1]](http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2013/05/DSC004281-90x65.jpg)
Banaanbaxan balaadhan ayaa lagu hordhigay Xarunta Midawga Yurub. Banaanabaxan oy soo qaban-qaabiyeen mucaaradka Itobiya iyo shucuubta ay Itobiya gumaysato ayaa waxaa lagaga cabanayay xadgudubyada ay xukuumada Itoobiya ku hayso shucuubta ku nool dalkaa. Dadka banaanabaxaya oo isaga yimid meela kala duwan oo Yurubta ah ayaa waxaa goobo kala duwan ku banaanbaxayay mucaardka ka soo horjeeda [...]
May 16 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Qaybtii 1aad iyo 2aad ee barnaamijkan waxaan kaga soo sheekaynay Hawlgalka Cirjiidh habkii loo abaabulay iyo siduu ku bilowday, waxayna qaybtii 2aad inoogu joogtay:- Shaahii aroornimo ayaanu ku karsanay Deegaanka Dhuurta waxaa uu wardigii ciidankan oo dib fiiriyay isagoo adeegsanayna qalabka loo isticmaalo fogaan araga (diirada) sifudud uu u arkayay ciidamda wayaanaha ee raadkayaga ku [...]
May 16 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

HCBQ - “Waxaan ku noolahay duni taariikh cusub ay qormayso, taariikhdii horena ay duugoobayso ama la dafirayo. Waxaan ku noolahay duni cidii tabar yar ama la tunjileecsado aan loo turayn. Waxaan ku noolahay duni aan loo danqan cidii aan dano gaara iyo wax loogu xisho laga lahayn. Waxaan ku noolahay duni xeerar in wax lagu dulmo [...]
May 16 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Faracyada OYSU ee ka howlgala deggaanka dhadhaab ayaa shir balaadhan isugu yimid xerada Ifo. Shirkan oo ah mid la qabto 3-dii bilood mar, waxaa kasoo qayb gala faracyada oysu ee Xagardheere, Dhagaxlay iyo Ifo. Shirka oo ah mid lagu qiimeeyo hadba mar xalada cusub ee ku soo koradha saaxada & isbadalada. Shirkan shalay oo ay [...]
May 15 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Siyaasiga ugu nasiibka daran waa midka si kadis ah oon la filaynin ugu fadhiista kursigii uu ku fadhiisan jiray shaqsi taariikh ku leh dalka ama maamulka (administration) uu dhexlay. R/wasaaraha Itobiya Hailemariam Desalegn xaalad adag ayaa haysata. Wuxuuna ku fahmi karaa qofka doonaya inuu wax un ka ogaado xaaladda adag ee Hailemariam uu ku sugan [...]
May 15 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Oslo: Waxaa gelinkii dambe ee maanta caasimaddaOslo eeNorway, ka bilaabmay shir balaadhan oo ay kasoo qeyb galeen Madax Norwegiyaan ah, mas’uuliyiin kasocda ururada kajiraNorway, aqoon yahanno Yurubiyaan ah iyo khubaro xaga socdaalka ah oo kasocday wadanka Mareykan ah. Shirkan oo socon doona Saddex maamood ayaa lagu falanqeyn doonaa wax wada-qabsiga ururada Ajnabiga ah, iskaashiga dhex [...]
May 15 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 13/05/13 ayaa waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ka dhacay shir aad muhiim ugu ah qoxootiga ree ogadenia ee kudhaqan dhadhaab shirkan oo mudo laga dhursugayay waxaa soo qabanqaabiyay faraca midnimo oo katirsan jaaliyada kahowlgasha deegaanka dhadhaab. Sida aan lawada socono qoxootiga kudhaqan deegaanka dhadhaab waxaa 3dii sano ee udanbaysay soo food [...]
May 14 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Ururka OYSU Melbourn ayaa isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa oo bil kasta mar ururku isugu yimaado. Kulanakan ayaa waxaa gudoominaysay Marwo Luul Cabdi waxaana kasoo qeyb galay xubnaha ururka oo idil iyo xubno marti sharaf ahaa oo kamida Gudiga Jaaliyada. Shirka ayaa sidii caadada aheyd lagu furay aayadaha Quraanka kariimka ah iyo astaanka halganka shacabka [...]
May 13 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Waxaa maanta gelinkii danbe lagu qabtay Xarunta jaaliyadda ee magaalada Helsinki caasimadda dalka Finland kulan ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha iyo hawlwadeenedda Jaaliyadda Soomaalida Ogadeniya ee Dalka Finland. kulanka oo ku saabsanaa waxqabadkii 4tii bilood ee sannadkan, oo ay ugu weyn tahay hawliha lagu horumarinayo halgan iyo warbixinada shaqadii socotey ee hawlwadeenadda jaaliyadda. Waxaa sidii dhaqanka [...]
May 13 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Waxaa Kulan uu ku dhex maray maamulka faraca jaliyada S.Ogadenia ee Western Cape iyo maamulka jaliyada Orimiya ee Western Cape. Shirkan ayaa wuxuu ku sabsanaa isbarasho iyo sidii laysaga kashan lahaa wax yaabo badan oo quseeya labada jaaliyaood. Kulanka oo aad muhiim u ahaa ayaa waxaa looga wadahadlay oo kale xaaladaha ka jira guud ahaan [...]
May 13 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Waxaa aad wax loola yaaba ah markaad aragto qof caqli leh oo casrigan nool oo kugula doodaya horumar ayaa lagaadhay ama ay Itobiya u wadaa dalkeena. Hadaan dhanka fiican ka eegno shaqsigaasi waxaa lagu tilmaami karaa un inuu yahay qof caadi ah oo lagu marin habaabiyay dacaayadaha sawirka oo aan xog-ogaal u ahayn arimaha hoose [...]
May 13 2013 | Posted in
Warar |
Read More »

Kooxda Faneedka Danaba oo kamid ah kooxaha Xidigaha Fanka iyo Suugaanta jaaliyada soomaaliya Ogaadeeniya ee Dalka Kenya ayaa xalay oo habayn Axada ah ka dhigay magaalada Nairobi bandhig faneed loogu magacdaray“HAKA HADHIN HIDAHA HALGANKIYO BULSHADA” Kaasi oo ka dhacay Hall wayn oo ku yaala badhtamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Bandhigaan oo hordhac u ahaa [...]
May 12 2013 | Posted in
Warar |
Read More »