Ogaden News Agency (ONA)

Muxaadaro diini ah oo lagu qabtay xerada Dhagaxlay – Hoos ka dhagayso
Maalintii shalay oo ay taariikhdu kubeegnayd 16/05/2013 waxaa xerada qoxootiga dhagaxlay ee deegaanka dhadhaab lagu qabtay muxaadaro aad u qiima badan oo ay qabteen ururka culima owdiiinka oo katirsan jaaliyada ogadenia ee xerada kahowlgasha.

Ururka culima owdiinka ogadenia ee xerada dhagaxlay oo la aas’aasay horaantii sanadkii 2012 ayaa howlo aad ubalaadhan kaqabtay guud ahaan deegaanka dhadhaab gaar ahaan xeda dhagaxlay,

Hadaba ururka culima owdiinka ee faraca midnimo ayaa muxaadaro balaadhan shalay kuqabtay xerada waxaana kasoo qayb galay dad wayna aad utiro badan oo kakala yimid taafyaha xerada

Muxaadaradan oo ahayd mid mudo lasugayay ayaa furantay abaare 2:00 duhurnimo waxaana furay gudoomiyaha culima owdiinka sh cali waxaana sidii caadada ahayd lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacdi diini ah  wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in laga hadli doono 4 mowduuc oo kala ah jihaadka, samirka, balanta iyo adeecida umarada ama madaxda,

Waxaana lagu soodhaweeyay sheikh c/lahi oo kahadlay jihaadka iyo samirka wuxuuna sheekhu kudheeraaday jihaadka iyo fadliga uu leeyahay iyo waliba sida loodoonayo in laga faa’iidaysto wuxuu sheekhu sheegay in qofkasta oo u dhashay wadanka ogadenia ay waajib cayni ah kutahay in uu jihaado naf, maal, iyo maskaxba sheekha oo aad uga hadlay jihaadka ayaa wuxuu macneeyay erayga jihaad oo dadkii madasha fadhiyay u iftiimiyay micnaha erayga jihad iyo meesha uu kayimid dadkii madasha shirka fadhiyay oo dhalinyaro u badnaa ayaa iyagu noqday kuwo aad uladhacay muxaadarada sheekha iyo qiimaha ay leedahay

Sidookale sheikh c/laahi ayaa kahadlay samirka iyo ajarka kusugan wuxuuna dadkii dhagaysanayay u sheegay in lagu sabro dhibaatooyinka uu gumaysigu kuhayo wuxuuna sheegay in allaah ugu badalidoono sabarkooda ajar aad utiro badan wuxuuna sheikhu tilmaamay qaybaha uu samirku ukalabaxayo oo dhowr qaybood ah sheekha ayaa dadkii dhagaysanayay kubaraarujiyay in ay aad usabraan kuna sabraan jidka xaqa ah.

Sidoo kale waxaa lagusoo dhaweeyay sheikh C/raxmaan oo kahadlay balanta iyo adeecista madaxda wuxuuna sheekhu aad ugu dheeraaday balanta oo la’ilaaliyo ajarka iyo xasanaadka kujira iyo balanta oo laburiyo dhibaatada iyo cawaaqib xumada ay keento wuxuuna dadkii madasha shirka fadhiyay kuladardaarmay in ay ilaaliyaan balanta iyo axdiga.

Sheekha ayaa sidoo kale kahadlay adeecitaanka madaxda ama amiirkaaga oo la maqlo faa’iidada kujirta iyo amiirkaaga oo lamaqli waayo cawaaqib xumada ay uleedahay qofka falkaas kukaca wuxuuna sheekhu dadka kuladardaarmay in ay maqlaan madaxdooda kana maqlaan waxkasta oo aan kahor imanaynin diinta islaamka.

Labada sheikh ayaa sidookale kawada sinaa cabsida allaah oo ay dadka xasuusinayeen iyo allaah oo laga cabsado faa’iidada kujirta iyo cida allaah kabaqiwayda ciqaabta ay mudanayso.

Sidookale dadkii madasha fadhiyay ayaa loo ogolaaday in su’aalo waydiiyaan culimada waxaana lasu’aalay su’aalo aad ubadan isla markaana muhiim ahaa kuwaas oo way culimada sidiiniyan ah uga jawaabeen kuna qanciyeen dadkii saa’iliinta ahaa.

Sikastaba ha’ahaatee shirka ayaa soogaba gaboobay iyadoo ay dadku doonayeen in muxaadaradu siisocoto laakiin wakhtiga ayaa gabaabsi noqday kadib markii la aqimay salaadii casar.

G/gudniid.

ONA dhadhaab

Weeraradii lagu qaaday cadawga iyo gawaadhi lagaga gubay kamiin loo dhigay
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay deegano kamid ah dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato,dagaaladaasi oo lagaga xoraynayo gumaysiga Ethiopia dalka Ogaadeeiya ayaa udhacay sidatan;

Dagaal xoogan oo u dhexeeyey N/Hurayaash CWXO iyo Askarta gumaysiga oo ka dhacay  03/05/2013 deegaanka Dibiraweyne oo Dhagaxbuur katirsan ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 10 Askari waxaana lagaga dhaawacay 12 kale.

Kamiin ay ka xidheen Cutub ka tirsan N/hurayaasha ciidamada qalabaka sida ee JWXO 09/05/2013 kaylaaga magaalada Qabridahare ee xarunta gobolka Qoraxay ayaa waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga gubay halkaasi hal Baabuur oo ay saarnaayeen askar farabadan waxaan halkaasi ku basbeelay Baabuurkii iyo askartii saarnayd oo aysan waxba kabixin iyadoo lasheegayo in khasaare kalana uu soo gaadhay gaadiidkii lasocday Baabuurka lagubay.

20/04/2013 Dagaal ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Tirow oo Daratoole katirsan ayaa waxaa askarta mooraalka jabasan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay  5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

22/04/2013 Sammu oo iyana Daratoole katirsan dagaal ka dhacay ayaa Askarta gumaysiga Ethiopia waxaa lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

24/04/2013 kamiin ay ka xidheen NH/CWXO duleedka Bali-sareedo oo Gunagado katirsan ayaa waxaa halkaasi si indho la’aan ah usoo galay gaadiid ay saaraayeen askarta gumaysiga Ethiopia waxaana halkaasi lagu gubay Hal Baabur iyo Asakrtii saarnayd oo aysan waxba ka bixin.

Kamiin ay ka xidheen N/hurashaasha qalabka sida ee JWXO duleedka magaalada Galaalshe 01/05/2013 ayaa waxaa lagu gubay hal Baabuur oo ay saarnaayeen sodomeeyo kamid ah Askarta gumaysiga Ethoipia waxaa halkaasi ku basbeelay Baabuurkii iyo Askartii saarnayd oo aysan waxba ka bixin.

26/04/2013 Ballisareedo oo Gunagado katirsan ayaa waxaa lagu dilay 1 Askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah waxaana lagu dhaawacay 1 kale.

08/05/2013 Shabeelow oo Gunagado u dhow dagaal ka dhacay waxaa askarta mooraalka jabasan ee gumaysiga Ehiopia lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawcay 2 kale.

09/05/2013 Weerar mir ah oo lagu qaaday fadhiisin ay askarta gumaysiga Ethiopia ku lahaayeen magaalada Gabagabo ayaa waxaa lagaga dilay weerarkaasi mirta ah 2 Askari.

13/05/2013 kax-dhabileey oo Godey udhw waxaa lagaga dilay askarta gumaysiga Ethiopia hal askari.

04/05/2013 Deegaanka lagu magacaabo Jeerinka oo Fiiq katirsan dagaal kadhacay ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 1 kale.

04/05/2013 gudaha magaalada Fiiq waxaa Askarta gumaysgi Ethiopia lagaga dilay 1 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

12/05/2013 weear qorshaysan oo ay ku qaadeen Cutub katirsan NH/CWXO fadhiisin ay askarta gumaysiga Ethiopia ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Dambarweyne oo Dhanaan katirsan ayaa lasheegayaa in halkaasi ay is kaga carareen askartii gumaysiga ee daganayd, ciidanka qalabka sida ee JWXO ayaa la wareegay xeradii ay ka careen askarta mooraalka jabasan ee gumaysiga Ethiopia, iyadoo halkaasi ay ka qaateen NH/CWXO qalab iyo saanad milatari oo aad u tirabadan, halka ay dab qabadsiiyeen wixii agab ahaa ee ay kaga tageen xerada.

Waxaa iyaguna jira dagaalo kale oo ka kala dhacay 01,04,07,08 iyo 13/05/2013 Deegaanada kala ah Yooca-dhaylay oo Shaygoosh udhow, San xasakule, Dudunka oo dhanaaan katiran, Dhalacad oo Dhiita katirsan, Banyare oo Qoriile udhow, Jugle iyo daris, Qoraxda oo Goday udhow, Cceelo-obo oo Galaalshe udhow, Faarwayne Dhagabuur udhow, Hoomey oo Godey udhow, Fariiqyada oo Baabili udhow iyo Hargaysa-yarey oo Qabridahar katirsan dagaaladaasi ayaa dhamaantood waxaa cadowga loogu gaystay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

ONA.

Jaaliayadaha Ogadenya ee Yurub oo ka qaybgalay banaanbax looga soo horjeedo taliska Itobiya
Banaanbaxan balaadhan ayaa lagu hordhigay Xarunta Midawga Yurub. Banaanabaxan oy soo qaban-qaabiyeen mucaaradka Itobiya iyo shucuubta ay Itobiya gumaysato ayaa waxaa lagaga cabanayay xadgudubyada ay xukuumada Itoobiya ku hayso shucuubta ku nool dalkaa. Dadka banaanabaxaya oo isaga yimid meela kala duwan oo Yurubta ah ayaa waxaa goobo kala duwan ku banaanbaxayay mucaardka ka soo horjeeda habdhaqanka xukuumadda Itoobiya iyo qaar shucuubta xorriyadooda u halgamaya. Jaaliyadaha Soomalida Ogadenia ayaa ka soo qaybgalay banaanbaxan iyagoo ka kala yimid Jaaliyadaha Holland, Germany iyo Switzerland.

Banaabaxa ayaa sidii loogu talagalay ku dhamaaday ka dib markii loo gudbiyay Midowga Yurub cabashooyinkii ay soo diyaarsadeen banaanbaxayaasha.

ONA.

Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Q3xaad ee Hawlgalkii CirJiidh
Qaybtii 1aad iyo 2aad ee barnaamijkan waxaan kaga soo sheekaynay Hawlgalka Cirjiidh habkii loo abaabulay iyo siduu ku bilowday, waxayna qaybtii 2aad inoogu joogtay:- Shaahii aroornimo ayaanu ku karsanay Deegaanka Dhuurta waxaa uu wardigii ciidankan oo dib fiiriyay isagoo adeegsanayna qalabka loo isticmaalo fogaan araga (diirada) sifudud uu u arkayay ciidamda wayaanaha ee raadkayaga ku soo taagan oo markii hore naloosheegay in ay ahaayeen ciidan dhan 400 oo askari balse qaabka ay noola socdeen uusan ahayn cidaan weerar ah waxayse u ekaayeen ciidamo gaadmo ah. Isla wakhtigaasi waxaa nala soo istaagtay diyaarad ay ciidamada gumaysigu lahaan jireen oo fadhiyi jirtay garoonka Magaalada Qabaridahare nooceeduna ahaa Maanqaad. Diyaaradan oo wax yar uun kadib hawlgalka Cirdhjiidh ay ku guulaysteen in ay gubaan cutub katirsan ciidanka qalabka sida ee JWXO gaar ahaan qabytaa Danab iyadoo fadhida garoonka Magaalada Qabridahar waxayna goobtaasi ku dileen ciidan gaadhaya 17 askari oo Ethiopian ah.

Diyaaradani waxay ku duulaysay joog inta badan joog aysan gaadhin hubka fudud ee gacanta laga rido waxa hub ahna maridaynin balse waxay si fudud ula socon kartay wuxuu ahaa dhaq-dhaqaaqanaga. Sidoo kale waaxaan iyana ka qarsoomi Karin waa tirada uu ciidankanagu ahaa. Markiiba ciidankanagu waxa uu isu qaybiyay falaadho yaryar oo is hor iyo dababa maraya una socda qaab ciidan waxaananu ku guulaysanay in aysan diyaaradani helin tiradayada saxda ah iyo in aanan socdkana joojinin ilaa inta aanu ka gaadhayno goobta aanu rabnay.

Kadib markii aan ku guulaysanay in aanu gaadho dhulka istaraatijiga ahaa ee duleedka tuulada Xudur ayle gaar ahaan laagta Cadalay waxaa ciidamadii Wayaanaha ee wakhtigaasi nagu soo raad taagnaa isu-rogeen inay aadaan dhanka tuulada Maracaato. Sidoo kale waxay ciidan soo dageen tuulada Xudur ayle, ciidama kalna waxay soo dageen meel aan sidaasi nooga fogayn oo naga xigta dhanka Tuulada Wabiyar oo waqooyi markaasi naga ah.

Hadaba akhristayaasha sharafta lehow Ku soo dhawaada Qaybta 3aad ee barnaamijkeenan ahna qaybtii ugu danbaysay.

Halkan Ka Akhri Q3xaad

ONA.

Taariikh Halganeedka CWXO – iyo Q3xaad ee Hawlgalkii CirJiidh
Xaalada cadaw ee markaasi ku hareeraysnayd Qaybtan kamidka ah CWXO ee fulinaya hawlgalka Cirjiidh ee ku sugnaa deegaankan Cadalay amaba Xudur ayle markaan intaasi kaga tago sawirka guud een idinka siiyay, waxay ciidankii N/hurayaasha ka difaac qaateen ciidanka cadawga iyagoo wakhtigaasi ku sugnaa laagta caanka ah ee Cadalay. Laagtani waa dhul kooban oo aan  baladhkeedu kabadanayn700 metersbalse waxay leedahay dherar kayntu (dhirtu) iyo beeruhu ku badantahay.

Waxaan bartaasi difaac ka xidhanay amin duhur ah waxaananu ku jirnay difaacaasi ilaa iyo salaadii Maqrib. Taliska falaadhani waxay ku mashquulsanaayeen soo uruurinta xogta dhabta ah ee cadawga, mida deegaanka iyo waliba soo saarida qorshihii dagaal ee lagaga hortagi lahaa cadawga isasoo urursaday.

Amin fiidnimo ah oo salaadii maqrib aanu tukanay ayaan waxaanu ka dareernay difaacanagii waxaananu dib u qaadnay raadkii aan saakay soo marnay marka aanu marayno deegaanka Dhuurta. Waxaan isu rognay dhanka iyo tuulada Maracato. Waxanu gaadhany tuladaasi saacado kadib oo fiid-danbe ah waxaananu ka sii qaadanay sahay iyo wixii xog ahayd ee uu wakhtigaasi u baahnaa sahankii CWXO.

Qorshaha aanu ku socono wakhtigani waa shax ay dajisteen taliska ciidankayaga iyo sahanka CWXO ee nalasocda. Wuxuuna qorshuhu ku salaysnaa in aanu ka dhexbaxno shabagan ay ciidamdada gumaysiga Itobiya noo dhigteen. Nasiib wanaag waanu ku guulaysanay in aanu si qorshaysan ku jarno shabagan, ciidankii gumaysga wayaanahana aan ku ridno niyadjab, rafaad iyo jahawareer, aan marnaba quluubtoodu ilaawaynin. Waxaa laga sheegay sargaalkii watay ciidamada Wayaanaha markuu ogaaday in aan ka baxnay shabakadii uu dhigay inuu yidhi xagay mareen? Ma cirkay jiidheen? Hawlgalkan Cirjiidh sidaasuu kula baxay horta. Xogtii aan ka helnay cadawga ee Taaktiigyadii aan qaadnay ay sabab u noqotay waxaa ka mid ahaa in ciidamadii cadawga is khilaafeen oo ay kala jabeen, qaarkoodna waabay isdileen, halka kuwa kalena ay ka baxsadeen. Ciidamadii cadawga badankoodu waxay ku noqdeen xeryihii ay ka soo kicitimeen iyadoo is-qabqabsi badani ay dhextaalo. Amuurtani waxay keentay in mudo bil kadib ay ciidamada gumayisga Ethiopia qoomiyad qoomiyad ugu kala baxaan xerada kifladoorka ee magaalada Qabridahare. Dagaal halkaasi ka dhacay dabayaaqadii bishii sagaalaad waxay ciidamada Wayaanuhu isaga dileen in kabadan 60 askari. Waxaa islamarkiiba si dagdag ah ku yimid taliska Hararge ee fadhigiisu yahay Magaalada Harar. Shir ay mudo qaateen saraakiishii ciidamada Wayaanuhu waxay ku danbaysay 37 sarkaal oo 33 kamid ah yihiin qoomiyada Oromada in lagu khaarajiyo kabtaasi 4 ta kalena waxay ka soo kala jeedeen shucuubta koonfuree.

Hawlgalka Cirjiidh mudda yar ka dibba waxa uu noqday mid si buuxda uga fulaya gobalada Doolo, Qoraxay iyo Jarar. Hawlgalkan oo ku salaysnaa abaabul, dhoolatus iyo muquuninta awooda ciidan ee ciidamada gumaysiga ka jooga Ogadenya. 4arta dagaal ee ugu waawaynaa ee lagu soo afjaray hawlgalkii Mulugeeta (Shabag) ayaa bilowday. Dagaalkii ugu horeeyayna waxa uu dhacay 08/08/2006 waxaanu ka dhacay deegaanka Waab ee Goglo. Bartaasi ilaahay kuma cayminin ciidanka gumaysiga Itobiya. Dagaalkan in kabadan 57 askari oo u badnaa qoomiyada Tigrega ayaa lagu dilay tira kale oo kabadan 40 askarina waa lagu dhaawacay saad iyo saanad badana waa lagaga furtay. Dagaalakani waxa uu saamayn balaadhan ku yeeshay cadawga. 3ex maalmood ayaa calanka gumaysiga ee magaalada Qabridahare hoos loo dhigay.

Dagaalkii labaad ayaa ka dhacay 15/08/2006 tuulada Caado. Dagaalkan ayaa ahaa midikii ugu cuslaa ee ay ciidanka gumaysiga Itobiya ka soo waaqsan waayeen. Waxaa dagaalakan ka qayb galay ciidamo gumaysigu uu lahaa oo wakhtigaasi loogu talagalay in ay ka qaybqaataan weerarkii lagu qaaday ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee ka ariminayay caasimada Muqdisho iyo inta badan koonfurta dalka Somalia. Ciidamadani waxay dhamaayeen 700 oo askari oo loogu talagalay in ay lug kaga baxaan dalka Ogadenia si ay u sii maraan gobalada dhexe ee Somalia. Ciidamadii

cadadkaasi dhamaa waxa uu ku hakaday hawlgalkoodii gobalka Doolo ee Ogadenia iyagoo hal dhumay iyo hal dhaan raacay laga dhigay.

Dagaalka sadaxaad ayaa ahaa midkii ugu wakhtiga yaraa, uguna saamayntaa balaadhnaa. Wuxuuna ka dhacay deegaanka Isdabadag 19/08/2006. Dagaalkan isagana Alle kuma cayminin ciidamada nacabka ah. Wuxuu ahaa ciidamo uruuris ahaa oo ka soo baxay magaalooyinka Dhagaxbuur, Birqid iyo Garbo halkaas ayaana lagu soo afjaray.

Dagaalka afraad ayaa ahaa midkii ugu wakhtiga dheera waxaanu ka dhacay 22/08/2006 inta u dhaxaysa tuulada Dhadhiin, tuulada Dalaad iyo Kabtinaag oo aan sidaasi uga fogayn magaalada Qabridahare ee xarunta Qoraxay. Dagaalkan ciidnka gumaysiga Ethiopiawaxaa lagaga dilay 47 askari 23 kalena waa lagaga dhaawacay.

Markii qorshihii 1aad ee Cirjiidh sidii loogu talaglay ay u fuleen cadawgiina madaxa lanoqday, talasika guud ee CWXO waxay si toos ah awaamir u siiyeen ciidamada ka hawlgalayay deegaanada ay ku sugnaayeen ciidamadii fulinayay hawlgalka Cirjiidh, waxayna ku amreen in la xoojiyo ciidan ahaan iyo qalab ahaanba ciidamadii fulinayay hawlgalkaasi. Falaadhii aan anigu kamidka ahaa waxaanu fulinay dagaalka ka dhacay tuulooyinka Kabtinaag, Dalaad iyo Dhadhiin, balse wakhtigan waxaanu noqonay ciidan gaadhaya hal urur, waxaananu fadhiisin ka dhiganay tuulada Ceel Ogaadeen.

Sidaas oo kale ayaa meel kasta oo uu joogay madax kamid ah hawlgalkii Cirjiidh waxaa lagu xoojiyay ciidan.

Hadaba mar hadii ay ciidamadii gumaysiga Itobiya ay xaroodeen oo ay fadhiisimadoodii ku laabteen waxay noqotay in ciidan walba oo fulinayay hawlgalkan ay sii wataan hawlgaladoodii iyadoo xooga lasaarayo dhinacyada Abaabulka, Wacyigalinta iyo kobcinta shacbiga Somalida Ogadenia ee la gumaysto. Dhulkii wakhtigaasi aanu marnay ee aanu ilaa iyo bishii 10 aad shacabka dagan tuulooyinka iyo kuwa baadiyaha dagan iyo guud ahaanba bulshada ku dhaqan aan kula kulmaynay waxaa kamid ahaa: Ceel Ogaden, Xudur Eyle, Karoodka, Maracaato, Wabiyar, Dalaad, Kabtinaag, Laas-dhankayre, Jugle, Danbarwayne, Shinniile, Horashagax, Maracaato iyo meela kale oo badan. Dhulkan intii aanu maraynay waxay shacbiga Ogadenia ee ku dhaqani natusayeen sida ay uga go’antahay in ay CWXO lagarab taagnaadaan hiil iyo hooba, iyagoo anay ku xidhnayn taageeradoodu shuruud. Sidoo kalena waxay CWXO iyo bulshada S/Ogadenia ee fahansan xaqiiqada gumaysiga Itobiya isla qireen in ay gacmo wada jira un xaqooda ku goosan karayaan.

Ugu danbayntii 01/10/2006 waxaa la soo gaba-gabeeyay hawlgalkii Cirjiidh. Waxaana ku xigay hawlgalo kale oon ka yareyn Cirjiidh oo waqtiga ku haboon aan idiin soo dayn doono.

DHAMAAD.

Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan.

QORE/GOOBJOOGE: Shamsadiin Omer (Takhal).

Shamsadiin@gmail.com

Halganka Ogaadeenya iyo Xumaanta Guumaysiga Xabashida
HCBQ - “Waxaan ku noolahay duni taariikh cusub ay qormayso, taariikhdii horena ay duugoobayso ama la dafirayo. Waxaan ku noolahay duni cidii tabar yar ama la tunjileecsado aan loo turayn. Waxaan ku noolahay duni aan loo danqan cidii aan dano gaara iyo wax loogu xisho laga lahayn. Waxaan ku noolahay duni xeerar in wax lagu dulmo loo dajistay, balse macnaha ay xeerarku wataan lagu sheegayo in wax lagu badbaadiyo taasoo aan run ahayn. Waxaan ku jiraa duni xaqiraada iyo dulmiga lagu macneeyo hadba sidii la doono ama lagu saleeyo danta laga leeyahay sida ay tahay ee aan loo eegin danqansho aadaminimo. Waxaan ku noolahay duni dulmiga aadamaha lagu dhiso dawlado ama dhaqaale lagu helo. Waxaan ku noolahay duni cidii aan karaamadeeda, diinteeda, xoriyadeeda, midnimadeeda, iyo dalkeeda aan difaacan uu daadku qaadayo. Waxaan ku noolahay duni xaqii dulmi laga dhigay, dulmigiina xaq laga dhigay. Hadii xumaanti xaq laga dhigay, xaqdaradiina xaq tahay, kuwa xaqa quudhsaday waxay xaq u yeelanayaan in xumaan loo damabariyo.

Umad kasta oo dulman iyadaa ah tan masuuliyadu ka saaran tahay inay dulmiga iska dulqaado. Shacbiga Ogaadeenya ayaa ahkanlooga baahanyahay inuu kala garato cadowgiisa iyo naasaxiisa. Cadawga shacbiga Ogaadeenya waa guumaysiga iyo cid kasta oo gacansiisa. Naasixiisuna waa cid kasta oo gacan siisa, kuna taageerta, maskax, maal iyo maado kasta oo wax tar leh, isla markaana, la-qaybsata dareenkooda ku wajahan wakhtigan xaaladaha adag ee halgan iyo cadaadiska guumaysi ee uu shacbiga Ogaadeenya ka halgamayo.” Qoaraaga Kitaabka.

Kitaabkan cusub oo cinwaankiisu yahay ka heli – Halganka Ogadenya iyo Xumaanta Gumaysiga xabashida – waxaad ka heli doontaan xog badan oo taariikhda dalka, siyaasadaha caalamka ee ku wajahan dalkeena, iyo xad-gudubka uu gumaysiga ka wado dalkeena. Kitaabkan oy aqoonyahan xog-ogaal ah soo saareen ayaa goordhow soo gaadhi doona jaaliyadaha iyo dalka gudihiisaba.

ONA.

OYSU Dhadhaab oo shir muhiim ah ku qabatay xerada Ifo.
Faracyada OYSU ee ka howlgala deggaanka dhadhaab ayaa shir balaadhan isugu yimid xerada Ifo. Shirkan oo ah mid la qabto 3-dii bilood mar, waxaa kasoo qayb gala faracyada oysu ee Xagardheere, Dhagaxlay iyo Ifo.

Shirka oo ah mid lagu qiimeeyo hadba mar xalada cusub ee ku soo koradha saaxada & isbadalada. Shirkan shalay oo ay marti galisay OYSU Ifo ayaa furmay abaare 11:00 barqinimo xiliga Africada bari, waxaana sidii caadada ahayd lagu furay Aayadaha qur’aanka kariim ka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Cumar.

Shirka oo uu gudoominayay xoghayaha martida loo ahaa ee oysu ifo Mudane Daacad, ayaa la guda galay ajandayaashii ay wateen wufuudii shirka kasoo qayb gashay. Waxaa laga wada dooday marxaladaha hadda lagu suganyahay iyo kuwii laga soo gudbay, waxaa sidoo kale la falanqeeyay go’aamadii shirkii kan xigay la kala qaatay iyo siday u hirgaleen.

Waxaa sidoo kale la soo dhigay ajantayaal hor leh oo la doonayo in la fuliyo inta u dhaxaysa shirkan iyo shirka xiga ee la galidoono 3 bilood kadib hadii Allaah idmo. Falanqayntii lagu sameeyay qodobadii hore ee la kala qaatay kal hore ayay ergooyinku sheegeen in ay u fuleen sidii loogu talagalay.

Sidoo kale wufuudii shirka kasoo qayb gashay ee OYSU dhadhaab ayaa u diyaar garoobayay doorashada OYSU ee heer aduun oo la filayo in la qabto mudo dhaw, taas oo laga qabandoono dhamaan urur hoosaadyada OYSU ee qaaradaha aduunka ku kala sugan.

G/gundiid

ONA Dhadhaab

Development for a propaganda tool
It is mind-boggling when someone whose mental capacity is normal argues that the Ethiopian regime is indeed developing the Ogaden. If, however, we look from positive angle that person’s arguments we can assume that he/she is duped by the ceaseless propaganda aired from Ethiopian Somali TV (ESTV) and may not be privy to reality on the ground in Ogadena so to excuse his ignorance – unless that person is propagandist on the payroll of the Ethiopian regime.

Lately that fictitious picture of development in Ogaden is falling apart, this time from the mouth of one of its representatives. Some of you have watched last week the smuggled video footage of Abdi Iley, ‘president’ of the so-called Somali Region, admitting that the much advertised development in Ogaden does not, in reality, exist on the ground in Ogaden and saying: “the development we claim to have achieved is unreal and the reports about development are lies.”

Abdi Iley is certified liar and criminal whose pronouncement should be taken with a bowl of salt, but on this rare occasion he was in ‘a moment of truth’, telling things as they really are in Ogaden: that the so-called development is nothing but cooked-up lies aimed to hoodwink the masses.

We’ve in the past published in these pages Dr. Mohamud Ugas’ excellent research paper which showed how the Ethiopian regime is deliberately under-developing the Ogaden in its attempt to reduce the people of Ogaden as “hewers of wood and drawers of water” for Ethiopian colonizers. (http://www.ogadennet.com/wp-content/uploads/2012/10/IHASA-Conf.-Dr.-Mahamud-Ugas-Muhumad.pdf.)

Another example is “Gode West Irrigation Project” which was commenced in 2005 with much fanfare and awarded to the Ethiopian Army to implement it.

As advertised at the time, the Gode West project costed over 74 million Ethiopian Birr and covered some 3000 hectares of land.

The aim of this project was (as was sold to donors) to build large canals, field drainages, dykes, and connecting roads, in order to make the West Gode area less susceptible to reoccurring draught and agriculturally viable place. Indeed this seemed a noble undertaking and gullible donors pumped their money into it, but in the end this was another one of those ‘white elephant projects’ whose benefits have not been realized. To show some ‘something’ for it and convince the funders, the Ethiopian army finally built few lame structures on land estimated around 10 hectares.  All the canals, roads, bridges, field drainages, dykes, which were included in the project plan, came to nothing.

This type of development is the one the Ethiopian regime is showcasing in Ogaden.

Throughout history colonizers have never genuinely developed the colonized.  The very aim of all colonial enterprises is to plunder and rob the victim population.  Ogaden is not an exemption, but they’re very unfortunate to be colonized by a poor and aid dependent country which is on the lowest rank of world development index.

The people of Ogaden know this and can never be duped. As the Somali proverb says: “Biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa”. Meaning “you can only quench your thirsty by drinking the water with your own hands”. Only when the people of Ogaden regain their sovereignty can they properly develop their country.

As for those who fall for this cheap propaganda, we hope they will listen to Abdi Iley’s one frank admission that the so-called development in Ogaden is a BIG fat lie and change their minds.

ONA

Hailemariam Desalegn ma yeelan doonaa shaqsiyad u gaar ah sidii Anwar sadat
Siyaasiga ugu nasiibka daran waa midka si kadis ah oon la filaynin ugu fadhiista kursigii uu ku fadhiisan jiray shaqsi taariikh ku leh dalka ama maamulka (administration) uu dhexlay. R/wasaaraha Itobiya Hailemariam Desalegn xaalad adag ayaa haysata. Wuxuuna ku fahmi karaa qofka doonaya inuu wax un ka ogaado xaaladda adag ee Hailemariam uu ku sugan yahay inuu dib u yarehe jaleeco xaalad u dhiganta middan uu ku sugan yahay. Soo Noq-noqotka Taariikhda (History Recurrence) waxaa ka mid ah isku ekaanshaha wadada ay mareen siyaasiyiintii ay soo wajahday xaaladda uu ku sugan yahay Hailemariam Desalegn.

Madaxweynihii dalka Masar Jamal Cabdi Naasir wuxuu ahaa shaqsi taariikhi ah oo dalkiisa iyo caalamkaba kaga tagay raadad muuqda. Wuxuu ahaa M/W ay aad looga jecelyahay dalkiisa iyo guud ahaan dalalka Carabta. Wuxuu ka mid ahaa 5tii M/weyne ee asaasay Dhaqdhaqaaqii la odhan jiray Dawladaha Dhex-dhexaadka ( Non Aligned Movement NAM). Wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Midowga Afrika. Wuxuu aad u taageeri jiray gobanimadoonadii dalalka carabta iyo Afrika iyo guud ahaan Dunida 3xaad. Wuxuu ahaa shaqsi culays ku leh saaxada aduunka oo si aad ah loo tixgaliyo. Markii lagu jabiyay ciidankiisa dagaalkii sida kadis ah ay Yuhuuda ugu soo qaadeen 1967kii oo laga qabsadey dhamaan gobolka Sinai, wuxuu ku dhawaaqay inuu masuuliyaddaa qaaday wuxuuna iska casilay M/weyninimadii. Shacabkii Masar markay maqleen arintaa boqolaal kun iyagoo ah ayay soo baxeen waxayna ku qasbeen Jamaal Cabdinaasir inuu ka noqdo is-casilaada haddii kale aanay dib ugu noqonaynin guryahoodii. Sidii ayayna noqotay. Laba sano ka dibna wuu geeriyooday Jamal C.naasir isagoo aad loo jecelyahay.

Sanad ka hor intuuna geeriyoonin ayuu si lama filaan ah ugu magacaabay M/weyne ku xigeen Anwar Saadat oo ka mid ahaa saraakiishii wax ka dhigay afgambigii lagu sameeyay Boqorkii Masar. Anwar Sadaat wuxuu ahaa nin qunyar socod ah oon lahayn hanweyn oo u muuqda inuu doonayo xukunka inuu kaga dambeeyo Jamaal Cabdinaasir, inkastoo uu ka mid ahaa ragga uu ku kalsoonyahay, hasa ahaatee kama mid ahayn saraakiishii la filayay inay ku-xigeen u noqdaan Jamaal Cabdinaasir. Waxaa M/w loo magacaabay 1970, iyadoo sawirka laga haysto Anwar Saadaat ay tahay inuu yahay ku-sime mudda yar un sii haynaya inta ay ku heshiinayaan xukunka Qamaamiirta. Isagoo arimahaa la socda iyo sida shacabka Masar ay u raacsan yihiin Cabdinaasir ayuu khudabadii ugu horeysay uu akhriyo Sadat wuxuu ku sheegay inuu sii wadayo siyaasadii Cabdinaasir. Wuxuu yidhdi; Waxaan aamimnasanahay sababta aad iigu doorateen jagada M/weynenimada inay tahay in aan ku taagnaado wadadaii Cabdinaasir .. (I believe that your nomination of me to assume the responsibility of the Presidency is a nomination for me to continue the path ofNasser”).

Waxaase la yaab ku noqotay qofkasta talaabooyinka uu qaaday Sadat muddo yar ka dib. 15kii May 1971 wuxuu ku dhawaaqay sadat wuxuu ku magaacabay –Kacaan Sixitaan ah (Corrective Revolution), wuxuuna ka sifeeyay xukuumadda iyo haya’adaha Amniga dhamaan dadkii sida aadka ah u taageersanaa Jamal cabdinasir (ardent Nasserites). Waxaa ku xigtay talaabooyin kale oo geesinimo leh sida inuu ooda ka qaado dhamaan maxaabiistii siyaasidda u xidhnaa isla markaana uu fasaxo ururadii diiniga ah ee qunyar socodka ahaa sida Akhwaanul Muslimiin oo Jamal Cabdinasir uu xabsiga wada dhigay. Wuxuu halkaa ku dhisay qaacidda siyaasi ah oo taageersan isaga isla marahaantaana ka soo horjeeda fikirkii Naasiriga oo kuwa xukunka uu damaca kaga jiro ay aaminsanaayeen. Laga bilaabo waqtigaa wuxuu jeexday wado cusub oo ka soo horjeeda gabi ahaanba siyaasadii Cabdnaasir. Wuxuu eryay Midowgii Sofyetka oo ahaa saaxiibka ugu dhow Masar, wuxuuna furfuray dhaqaalihii dalka. Guusha ugu weynee uu helayna waxay ahayd dagaalkii 1973gii uu ku qaaday si aanay marnaba filaynin Yuhuuda oo uu kaga kiciyay difaacii ay ka dhiseen daanta Bari ee Sues Canal ee loo yaqiinay Kahdkii Barleef (Bar Lev Line). Wuxuu halkaa ku helay sumcad balaadhan oo muujisay inuu yahay shaqsi kaligii taagan oon hoos fadhiyin hadhkii Jamal Cabdinasir.

Intaa hadaan ku soo koobno taariikhda Sadat, waxaan odhan karnaa isku ekaansho badan ayaa ka dhexeysa labada siyaasi Sadat iyo Hailemariam Desalegn habkay ku yimaadeen xukunka. Inkastoo taariikhda umadaha ayna ahayn Koobi (carbon copy), hadana marinada ay siyaasiyiinta ka gudbaan waxyaaba badan ayaa ka dhexeeya.

R/W Hailemariam taariikhdiisii hore lamid maha Anwar Sadat, oo sida Sadat uu ula soo hanaqaaday taariikhda Jamal Cabdinasir iyo Saraakiishii Xorta ahayd (Free Officers) ee inqilaabay boqorka, kama mid ahayn Hailemariam Desalegn dagaalyahankii TPLF ee soo dagaalamay ilaa ay ka eryaan xukunka Mingisto Hailemariam. Waxaa soo qaaday Meles Zanawi oo ku badalay Abate Kisho oo ahaa M/weynaha Gobolada Koonfureed markuu la saftay kooxdii TPLF ee ku kacsanaa Meles ee laga adkaaday.

Marka laga yimaado kala dawanaanshahaa oo aan waxbadan ka badalaynin geedisocdka taariikhda R/W Hailemariam Desalegn, waxay iska shabahaan habka labadooda loo magacaabay oo ahaa mid aan laga filaynin Jamal Cabdinasir iyo Meles Zanawi. Sidoo kale waxay isku raaceen khudabadaha ay akhriyeen labadooda markii la magacaabay oo midwalba uu yidhi suu u helo kalsoonida shacabka; waxaan ku soconayaa khadkii Hogaamiyihii iga horeeyay. R/Wasaare Desalegn iskama wada kaloo u furnayd ma jirin marka la eego habka ay TPLF u buun-buuniyeen taariikhda Meles Zanawi markii la soo sheegay inuu dhintay oo gabi ahaanba shacabka lagu qasbay inay baroortaan.

Waxaan soo sheegnay sooyaalkaa ka dib, inuu Sadat qaaday talaabo aan laga filaynin oo sifayn ah 1971 suu u hirgaliyo mashruuc isaga u gaar ah oo uu uga hoos boxo hadhka Jamal C.Nasir. Arinta R/W Hailemariam Desalegn halkan ayay hadda mareysaa, waxaana la sugayaa siduu u noqon lahaa qof gooni u taagan oo leh shaqsiyadiisa gaarka ah.

Aan dhowrno.

ONA.

Norway: Shir Saddex maalmood soconaya oo ku saabsan Wax wada-qabsiga ururada Yurub & Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya oo lagu marti-qaaday
Oslo: Waxaa gelinkii dambe ee maanta caasimaddaOslo eeNorway, ka bilaabmay shir balaadhan oo ay kasoo qeyb galeen Madax Norwegiyaan ah, mas’uuliyiin kasocda  ururada kajiraNorway, aqoon yahanno Yurubiyaan ah iyo khubaro xaga socdaalka ah oo kasocday wadanka Mareykan ah.

Shirkan oo socon doona Saddex maamood ayaa lagu falanqeyn doonaa wax wada-qabsiga ururada Ajnabiga ah, iskaashiga dhex mara ururada ka jira dal gudihii iyo muhiimadda ay leedahay kocbicinta iyo fahanka dawladaha martida loo yahay.

Shirkan oo ay furtay Wasiiradda Arimaha Qoyska ee dalka Norway Ms. Inga Marta Thorkildsen, ayaa  waxaa hadal qiimo badan ka jeediyey goobta Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Norway,  Xaaji Abdullahi oo sheegay inay jiraan ururo badan oo dhisan laakiin se aysan jirin garab-qabasho dhanka laamaha dawladda ah, taasna ay keentay habac-sanaan badan oo xagga ururada ah.

Waxaa  sidoo kale, kulankii maanta hadal kooban oo ku saabsan dhiiri-gelinta iyo abaabulka Dhalinyarada kasoo jeediyey goobta Mudane Ahmed oo matalayey ururka OYSU-Norway, isagoo  kasoo qeyb galayaasha ugu baaqay in la ogaado awooda iyo waxtarka dhalinyarada.

Ururka KIM oo ah laanta socdaalka iyo isku-xidhka ee dawladaNorway, ayaa uga mahad celisay Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya & ururka OYSU-Norway dadaalkoda joogtada ah ee ku salaysan wax-wada qabsiga iyo tusaaleynta joogtada ah ee ay la wadagaan marwalba ururka KIM.

Halkan ka daawo filimyaroo laga soo duubay qaabka uu shirka u socdo:

Norway

Shirkan oo la filayaa in lasoo gabagabeeyo khamiis, ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aamo wax tar u yeelan doona ururada ka jiraNorway.

Mohamed Ilyas.

Norway.