Wararka haatan nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in Jabhada TPDM oo ah Jabhad kadagaalanta gobolka tigrayga ay xabad joojin ku dhawaaqday.

Jabhada oo la aas aasay 2008 dii saldhigeeduna yahay wadanka Eritrea ayaa kamid ah Jabhadii kasoo horjeeday taliskii macangaga ahaa ee TPLF jabhada ayaa sheegtay inay gabi ahaanba joojin hayso dagaalkii ay kula jirtay taliska wayaanaha ayna sinabad ah uga qayb qaadan doonto Isbadalada Itoobiya kasocda ee uu Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed.

Jabhadan ayaa Ah tii sadexaad ee Itoobiya kasoo horjeeda ee xabad joojin kudhwaaqda waxaana ka horeeyay Jabhada Oromo Liberation Front (OLF) oo gobolka Oramada kadagaalami jirtay iyo Ginbod 7 oo gobolka Axmaarada ka dagaalami jirtay Jabhadahan ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo ugu baaqay wadahal iyo xabad joojin Dhamaan Jabhadaha Itoobiya kasoo horjeeda.

Hadaba waxaa kow ka ah Jabhadaha Itoobiya dagaalka kulajira Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) oo u dagaalanta Xoraynta dhulka soomaalida Ogadeeniya ee gacanta gumaystaha Itoobiya kujira.

Hadaba Jabhada onlf ayaa dhankeeda soo dhawaysay Baaqa raysalwasaaraha cusub ee itoobiya waxayna ku tilmaantay baaqa raysalwasaare Abiye Ahmed talaabo dhanka wanaaga looqaday una baahan inii lasii wado
Waxaase xaqiiq ah in ONLF  iyo mucaaradka Itoobiya dhanka mabaa diida aas aasiga ah ay ku kala duwan yihiin  dhanka kale talaabada Jabhada ONLF qaadi doonto waxay noqon doontaa kuwa laga baaraan dagay oo meela badan laga eegay waayo shacabka soomaalida ogadeniya xuquuq Itoobiya dhaxeeda ah maraadin hayee xoriyad iyo aayo katashi ayuu raadin hayaa wuxuuna usii mari doonaa wax kasta oo shacabka soomaaliyeed ee Ogaadeniya ay ku gaadhi doonaan xoriyadooda.

Shacabka Somalida ogadenya ayaa looga baahan yahay inay halganka sii laban laaban wax xoriyad kayarna ayna isudiyaarin

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay