Shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan magaalasa Gaalkacayo ee gobalka mudug ayaa xaflad dabaal dag ah oo ay kusoo dhawaynayeen siidaynta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax ku qabtay magaalada Gaalkacayo, xafladan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo isugu jira culuma udiin, wax garad, fanaaniin iyo dhalinyaro badan oo kasoo dhulka soomaaliyeed ee gumaysiga Itoobiya xooga ku haysto ayaa ugu horayn waxaa madasha a ka hadlay Mudane Mu’umin Aadan Xirsi oo kamida dhalinyarada Ogaadeniya oo ku sugan magaalada Gaalkacayo oo ka warbixiyay muhiimada xaflada iyo ajandaha isku imaatinkooda oo uu kuqeexay dabaal dag iyo sidii looga faaiidaysan lahaa usbadalka kadhacay Itoobiya.

Dhanka kale qaar kamida dhalin yarada gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaflada waxaana kamid ahaa Mudane Cabdirisaaq Bashiir Axmed oo isna dhankiisa kawarbixiyay hagardaamada gumaysiga iyo sida baahsan ee dadkaasi loo ciqaabo cabdirasaaq ayaa kudheeraaday sida duulaanka loogu yahay mabda’a soomaali wayn iyo noolasha dadka reer ogaadeeniya ee gumaysiga ku hoos jira.

Cabdiraxmaan Haybe Saahid oo kamida dhalinyarada Ogaadeniya ee ku sugan magaalada Gaalkacayo ayaa sidoo kale ka hadlay ka hadlay xaflada.

Hooyooyinka, Gabdhaha iyo Abwaanada ayaa ayaguna ku dheeraaday kawar bixinta farxada siidaynta Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayagoo ugu baaqay dadka soomaaliyeed inay cashar unoqoto sida wanaagsan ee uu gumaysiga Itoobiya ula dhaqmay una sii daayay Cabdi kariim Qalbi Dhagax iyo ceebta soo gaadhay kooxda ugu saraysa hogaanka dalka soomaaliya.

Ugu danbayn waxaa xaflada lagusoo gunaanaday madax dhalinyarada soomaalida Ogaadeniya Mudane Xassan Faarax Muxamed oo isna ka hadlay is badalada ka dhacay geeska Afrika gaar ahaana gumaysiga Itoobiya in guud ahaanba shacabka soomaaliyeed u diyaar garoobaan sidii ay uga faa iidaysan lahaayeen gaar ahaana shacabka gumaysiga Ku jira ee soomaalida Ogaadeniya.

ONA/Gaalkacayo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay