Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Norway iyo ergadii kasoo laabatay shirwaynihii 3 aad ee JWXO ayaa waxay yeesheen kulan xog waraysi ah kulankaas ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogaadeniya Oslo Caasimada Norway.

Shirka ayaa sidii caadada inoo ahayd waxaa lagu fur furay aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah waxaana lagusoo dhaweeyay Mudane Abdinaasir Mohamed Adeec oo kamid ahaa xubnihii shirwaynaha 3 aad ee JWXO kasoo qayb galay wuxuuna soo jeediyay warbixin waafi ah oo uu kaga waramaayo geedi socodkii shirwaynaha iyo wax yaalihii lagusoo jaan gooyay.

Waxaa kale oo ayaguna dhankooda ka hadlay Zakariye Faysal iyo Mohamed Bashiir oo kamid ahaa ergadii shirwaynaha kasoo laabatay waxayna ka warameen ahmiyada uu shirku lahaa iyo sidii guusha ahayd ee uu kusoo dhamaaday shirwaynuhu.

Shirka ayaa ugu danbayntii waxaa su’aalo la waydiiyay xubnihii shirwaynaha kasoo qayb galay ayagoo dhamaantood looga jawaabay si waafi ah shirka ayaa ugu danbayntii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Oslo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay