Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee wadanka Australia gaar ahaan magaala madaxda gobolka victoriya ee Melbourne ayaa waxaa isugu yimid shir is xog waraysi ah ergadii ka qayb gashay Shirwaynihii 3 aad Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) ee lagusoo gab gabeeyay dhawaan wadanka Eritrea.

Ergada ayaa waxay jaaliyada uga warameen qaabkuu udhacay shirwaynahu, arimihii lagaga hadlay iyo istiraatijiyadii laguso dajiyay shirwaynaha xubnihii kasoo qayb galay shirka ayaa aad usoo dhaweeyay warbixitii ergado soo jeedisay aadna uboogaadiyay qaabka wanaagsan ee uu soo dhamaday shirku waxayna u hanbalyeeyeen dhamaan madaxda JWXO ee ladoortay.

Jaaliyada Soomaalida Ogaadeniya ee wadanka Austaralia ayaa kamid ah Jaaliyadaha Ogadeniya halganka dheer usoo galay sidii shacabka Soomaalida Ogaadeniya u heli lahaa xoriyadiisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay