Wararka nagasoo gaadhaya Ogaadeniya gaar ahaana Gobolka Shiniile ayaa sheegaya in shacabka gobolkaasi kacdoon ay kagasoo horjeedan Gumaysiga Itoobiya iyo kuwa dhidid dhowrka ah.

Ciidanka calooshood ushaqayste yaasha ah ee loo yaqaano hawaarin (Liyuu Booliiska) oo garab kahelaya milatariga Itoobiya ayaa dad shacab ah oo tareen saaran xabad kufiray waxayna halkaas kudileen Gabadh anaan magaceeda helin waxayna dhaawacen Gabadh kale oo layidhaahdo Safiya Cisman waxaana dhawacedii losoo qaaday magalada Diri Dhabo oo hada xaaladeeda lagula tacaalayo.

Waxaa kaloo lasheegayaa in gabadhii ay shalay dileen mayd keedii xalay kala baxeen gurigii ladhigay waxaana lasheegayaa inay maydkii gabadha meel aan la aqoonin ku aaseen.

Hadaba shacabkii Gobolka Shiniile oo dilkii gabadha kacadhaysnaa ayaa hadana kasii xumaaday maydka lala baxay ee laqariyay waxaana dhamaan gobolka gaar ahaan Magaalooyinka Shiniile, Biki, iyo Ayshaca kajira dareen shacab oo aad ukacsan waxaana gobolka lagusoo daabulayaa ciidamo Itoobiyan ah iyo maleeshiyaad soomaalida ee hawaarinta oo loo tababaray xasuuqa shacabka ogaadeniya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay