Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Adiss Ababa ayaa waxay sheegayaan in dowlada Eritrea maanta dib ufurtay safaaradeedii ay ku lahayd  magalada Adiss Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya.

Waxaa  furitaanka safaarada siwada jir ah xadhiga uga jaray madaxwaynaha wadanka Eritrea Asiyas Afworki iyo raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed, safaarada Eritrea oo  tan iyo 1998 xidhnayd ayaa maanta dib loofuray  kadib markuu soo hagaagay xidhiidhka labada wadan u dhaxeeyay.

Madaxwayne Asiyas Afworki oo booqoosho sadex cisho Ah kujoogay Itoobiya ayaa maanta dib ugu  laabtay dalkiisa   waxaana lasheegayaa in labada hogaamiye ee Itoobiya iyo Eritrea ku heshiiyeen soo afjarida colaaada labada wadan  oo ay ugu horayso dhaqan galinta heshiiskii Itoobiya iyo Eritrea ku dhexmaray wadanka Aljeria  waxaana  shalay labilaabay furitaanka xadka labada wadan iyo in miinooyinkii 20ka sano lagu aasi jiray laga soo saaro.

Dowlada Eritrea ayaa guushan taariikhiga ah  ku gaadhay dadaal iyo geesinimo ay kala hortageen taliskii  dhul boobka caanka ku ah ee Tigreega waxaana xaqiiq ah Xaqu inuu gulaysan dulmiguna uunsan waarayn waligii.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay