Taariikhdu markay ahayd 16/07/2018 oo ku beegan maanta shir dhanka isgaadhsinta oo ay isugu yimaadeen isku duwaha jaaliyadaha koonfur Afrika gudmiyayaasha faracyada masuliyiinta ururada bulshada iyo Xubno kasocda haayadaha kala duwan ee jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya ayaa si fiican ugu qabsoomay khadka is gaadhsiinta ee taleefanka.

Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlay sidii bulshada ogaadeniya loo gaadh siin lahaa go aamadii kasoo baxay Shirwaynihii sadexaad ee jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniyaa oo dhawaaan lagusoo gaba gabeeyay duleedka magalada Asmara ee Dalka eratariya.

Sidoo kale waxay hoosta kaxariqeen xubnihii isugu yimid Shirka khadka is gaadhsiita in lasii laba jibaaro halganka xoriyad doonka ah ee uu kujiro shacabka ogadeniya kaalintooda kaga aadan.

Dhankale waxay xubnihii kulanku uqabsoomay isla qateen in laqabto shirar waawayn oo ay kasoo qayb gali donaan dhamaanba shacabka ogadeniya xubnaha jabhada iyo bulshada somaliyeed.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay