Ururrka ONLF ayaa shalay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida kaa oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabduqaadir Xassan Hirmooge Cadaani oo ah afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada Qowmiyadood ku dhinteen tiro ka badan 50 ruux.

Afhayeenka JWXO Hirmooge ayaa ugu baaqay Xukuumada Cusub ee Itoobiya in ay soo fara-galiso dagaallada u dhaxeeya Labada Qomiyadood Cadaani ayaa sheegay haddii aan laga hortagin dagaalkan inuu yeelan doono cawaaqib aan la mahadin.

Afhayeen ONLF ayaa sheegay in uu aamin-san yahay in Labadan Qowmiyadood yihiin dad walaalo ah, sidaasi darteed-na ay goor hore ku war-geliyaan Ra’iisul Wasaare Abiye Ahmed  in xukuumaddiisa ay wax ka qabato dagaaladan soo laa laabtay.

Gumaysiga Itoobiya waxaa hadda ka jira isbadal xowli badan ku socda oo uu waddo ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Ahmed, waana tan keentay in Ururka ONLF oo ah mid kamida Ururrada ugu xooga badan ee dagaalka kula jira gumaysiga Itoobiya uu baaqani soo saaro.

Hoos ka dhagayso Waraysigii Afhayeenka JWXO Cadaani

ONA.

      1. cdbbf77d-55a1-4a9c-9571-497b5ee5c2fd_16k
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay