Wararka haatan naga soo gaadhaya magaala Harar ayaa sheegaya in saldhiga booliska ee magaalada Harar bakhaar hubka lagu kaydin jiray laga helay laba jawaan/kiintaal oo lafo Dad ah.

Lafaha dadkan ee xerada booliska laga helay ayaa dadkii fajac iyo amakaak ku noqotay waxaana loo malaynayaa inay dadkani kamid yihiin boqolaal kunoo shacab ah oo taliska Itoobiya uus xabaalay sanadihii lasoo dhaafay ee cadaadiska iyo cabudhinta baahsan ay ka socotay guud ahaan dalka Itoobiya oo caan ku ah xasuuqa iyo gumadka shucuubta ku hoos dulman.

Taliska wayaanaha ayaa caan ku ahaa, uus-xabaalka iyo dilwadareedka loo gaysto Shucuubta ku hoos nool xukunkooda gaar ahaana dadka gobanimo doonka ah oo ay ugu horeeyaan shacabka Soomaalida Ogaadeniya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay