Afhayeenka Wasarada Arimaha Dibada ee Itoobiya Malez Alem ayaa warbaahinta gudaha usheegay in wadooyinka isuku xidha Eritrea iyo Itoobiya gaar ahaan dekada magaalada Assab lagu bilaabay dayactir deg deg ah si Itoobiya u isticmasho dekadaha wadanka Eritrea.

Sidookale afhayeenka ayaa sheegay in shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlane ay bilaabi doonto duulimaad toos ah oo Casmara iyo Addiss Ababa iskuxidha waxaana Casmara ubixi doonta diyaaradii ugu horaysay oo qaadi doonta 465 rakaab ah. Afhayeenka ayaa intaas ku daray inay shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay xafiis kafuratay magaalada Casmara.

Xidhiidhka labada wadan ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo hagagaya tani iyo intii uu xilka lawareegay raysalwasaare Abiye Ahmed waxayna labada hogaamiye booqashooyin iswaydaar ah ku kala bixiyeen Addiss Ababa iyo Casmara tasoo soo dadajisay hagaajinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada wadan u dhexeeya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay