Maxkamada danbiyada dagaalka caalamiga ah ee loosoo gaabiyo ICC ayaa 20 jirsatay taasi oo laga joogo maalintii la aas aasay maxkamadan.

Wadamada Caalamka ee qeybta ka ah ayaa maxkamada  warbixin laga soo saaray loogu baaqay in ay kala shaqeyaan sidii cadaalada ay u heli lahaayeen dhibaneyaasha ay dagaaladu saameeyeen ee dunida ku kala baahsan. Dalal badan oo saxiixay heshiiskii Roma ayaa qeyb ka ah xubinimada maxkamada.

Fatou Bensouda oo ah madaxa dacwad soo oogaha guud ee maxkamada danbiyada dagaalka ee ICC ayaa ugu baaqday wadamada caalamka ee xubinta ka ah maxkamada in ay kala shaqeyaan sidii loo maxkamdeyn lahaa shaqsiyaadka lagu soo oogo danbiyada dagaal.

ICC ayaa 16-kii sanee tagtay waxaa ay xukuntay saraakiil lagu soo eedeyay dilal badheedh ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah waxaana ka mid ahaa laba sargaal oo u dhashay wadanka Congo iyo dagaal yahan ka mid ahaa kooxaha islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Mali.

Waxaa sidoo kale Jira in maxkamada ay ku fashilantay in ay xukunto shaqsiyaad kale oo lagu eedeyay falal danbiyeedyo dil ah oo ay gaysteen waxaana ka mid madaxweynaha wadanka Sudan Cumar Xassan Al Bashir, oo horay maxkamada u soo Jartay ruqsad lagu xidhayo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay