Waxaa magaalaa Brussels ee caasimada dalka Belgium caawa lagu soo gabagabeeyay shirkii {SPF} Somali Partner Forum ee looga hadlayay arimaha soomaaliya oo socday mudo dhan laba maalmood, shirka waxaa qaybtii hore hogaaminayay raisal wasaare ku xigeenka soomaaliya waxaana lagu soo bandhigay guulaha ay dawladu gaartay iyo halka ay higsanayso.
Ugu danbayn waxaa shirka si rasmiya u soo xiray madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya Farmaajo waxa uuna u mahadceliyay dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay shirka , waxa uu beesha caalamka ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin soomaaliya.

Shirka waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 14 bog kaas oo ku qornaa luuqada Englishka, waxaa si faahfaahsan looga hadlay arimaha amniga, xuquuqda haweenka , xuquuqul insaanka dhaqaalaha iyo siyaasada, sidoo kale warmurtiyeedka waxaa lagu amaanay waxyaabaha u qabsoomay dawlada soomaaliya gaar ahaan guulaha ay ka gaartay barnaamijka SMP oo ku saabsanaa cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo ay si wanaagsan uga soo baxeen shuruudihii looga baahnaa.

War murtiyeedka ayaa ka koobnaa dhowr qodob oo mid walba si gaar ah u faah faahinayay, sida siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo la bogaadiyay horumarka dowladda ka sameysay barnaamijka SMP, kaasoo dowladda ku guuleysatay shuruudihii looga cafin lahaa deymaha.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu muujiyay in Beesha Caalamka ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Soomaaliya, iyadoo deeqaha la siiyo Soomaaliya si toos ah loo soo marinayo Bankiga Dhexe, waxaana jiri doono isla xisaabtan labada dhinac ah.

Shirka Brussels ayaa marka loo eego sidii la filayay uga heer hooseeya madaxda ka qeyb gashay oo u badnaa wakiilo iyo madax qeybood ka socday dowladaha iyo ururo caalami ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay