Wararka aan ka helayno wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in saaka uu bilowday isu socodkii Itoobiya iyo Eritrea oo xidhnaa muda 20-sano kabadan.

Diyaarada Itoobiyan Airline oo sida 456 ruux oo rakaab ah ayaa saacad kahor ka duushay Addis Ababa Waxaana lafilyaa inay waxyar kadib cago dhigan doonto caasimada dalka Eritrea ee Casmara.

Rakaabka Itoobiyanka ah ee saaka Casmara u duulay waxaa kamid ah Raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam, xaaskiisa Roman, safiiro, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Itoobiya.

Dhanka kale waxaa lafuray isu socodkii Itoobiya iyo Eritarea ee dhanka dhulka ahaa.

Xidhiidhka labada wadan oo 20-sano kahor burburay ayaad moodaa inuu sidisii hore kusoo noqonayo.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay