24/3/12 Kamiin loo galay kolanyo gaadiid oo maraysay  deegaanka Duudciid ee duleadka magaalada Qabri-dahar ayaa waxaa halkaa lagaga gubay ciidankii cadaewga  hal Baabuur oo kuwa ciidamada qaada ah halkaasoo dhamaan ciidankii saraa uu khasaare balaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawacba lagu gaadhsiiyay.

Wararka laga helayo dad  ka agdhawaa goobta kolonyada baabuurta ah lagu helay ayaa xaqiijiyay inay arkayeen Baabuur kale oo la so gaadhsiiya  waxyeelo balaadhan islamarkaana ay cadawgu ku jiidayeen baabuur kale

Isla taariikhdan dagaal ka dhacay  buurta loo yaqaan Garsad oo ku taal duleedka ceelka Bulaale  ayaa waxa  ciidan cadawga lagaga dilay  2 askari iyadoo lagaga dhaawacay mid kale.

23/3/12 dagaal ka dhacay Bardalay oo ka tirsan Awaare ayaa waxa ciidanka cadawga lagaga dilay 5  askari waxaana lagaga dhaawacay  3 kale.

CWXO ee Jabhadda Wadnaiga Xoreynta Ogadenya (ONLF) ayaa maalmahan waday dagaalo habeenimo  oo ay ku qaadayeen ciidamada cadawga iyagoo  meelaha qaarna ay ku soo qabqabteen canaasiir loo aanaynayo inay xidhiidh iyo wadashaqayn dhaw  la leeyihiin cadawga  kuwaas oo ilaa hada baadhitaano lagu wado.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay