Wararka nagasoo gaadhaya gumaysiga Itoobiya gaar ahaan gobalka Shucuubta konfured ayaa sheegaya In golaha Shacabka gobolka Sidama (Sidama Parlament) ay maanta si aqlabiyad leh ugu codeeyeen iney noqdaan maamul ama kilal gooni ah oo ka madax bannaan kililka SNNPR ee qowmiyadaha Shucuubta Koonfureed.

Gobolka Shucuubta Koonfureed waa gobol ay kunoolyihiin qomiyado farabdan oo kala diin Dad iyo sinji ah.

Xisbiga haya talada gobolka Shucuubta konfured ee (SEPDM) ayaa waxaa waa yahan ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed oo sababay dhimasho dhaawac iyo barakac baahsan.

Gobolka Shucuubta koonfureed oo uu kasoo jeeday rayswasaare ku sheegii hore ee Itoobiya Hayla maryam iyo afhayeenka xiligan ee baarlamaanka itoobiya ayaad moodaa meel ay TPLF iyo Xukuumada cusub ku hardamayaan.

Xaalka Itoobiya ayaad moodaa midaan ficnayn oo kasii daraya waxaana kasocda khilaaf siyaasadeed oo sababay dagaala Isir kusalaysan

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay