Waxaa kulan heer sare ah isugu yimaaday kaadir iyo gudiga Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka koonfur Afrika kulankaas oo ka dhacay magaalada Pretoria, kulan ayaa furay Mudane Xildhibaan Mohamed Daahir oo kamid ahaa ergadii dhawaan kasoo laabatay shirwaynihii 3 aad ee JWXO  kaasoo lagusoo gaba gabeeyay dhawaan dalka Eritrea.

Shirkan ayaa wuxuu qayb ka yahay shirar goos goos ah oo ay qaban nayaan ergadii kasoo laabatay shirwaynihii 3 aad waxay xubnaha iyo kaadirkuba ugu war bixinayaan go’aamadii kasoo baxay shirwaynaha.

Waxaa kale oo shirkan lagaga hadlay sidii loo qaban lahaa shirar badan oo abaabul ah ayadoo lagu qaban doono xarumaha faracyada Jaaliyada ee ay ku lee yihiin wadanka Koonfur Afrika.

Guntii gabagabadii shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana xubnaha dhamaan lagu balamay in halganka lasii laban laabo.

ONA/Pretoria.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay