Dowlada Turkiaga ayaa qaaday xaaladii deg degga aheyd ee dalkaasi la saaray laba sano ka hor markii uu fashilmay afganbigii la doonayay in xilka looga tuuro madaxweynaha dalkaasi Rajab Thayib Erdogan.

Xukuumada Turkiga ayaa barlamaanka ka dalbatay in uu meel mariyo sharci cusub oo qeexaya awooda dowlada taasi oo ay qaadan karto marka ay xaaladaha qaar ay timaado. Dowlada Turkiga ayaa shan maalin ka hor waxaa ay cusbooneysiisay xaalada deg degga aheyd ee saarneyd kadib markii uu xilka ku guuleystay madaxweyne Erdogan.

Talabadan ayaa dowlada waxaa ay kala kulantay dhaleeceyn kaga timid mucaaradka balse waxaa ay ku adkeysatay in ujeedada ugu weyn ay tahay sidii gacanta loogu dhigi lahaa shaqsiyaad qeyb ka ahaa afganbiga oo wali qaarkood lagu raad joogo. Turkiga ayaa todobo jeer kordhiyay xaalada deg deg ah ee dalkaasi iyadoo qaar ka mid ah dalal reer galbeedka ay dhaliileen.

Isku daygii afganbi ee dalkaas lala damcay sanaadii 2016-kii ayaa waxaa ku dhintay 250 ruux waxaana dowlada Turkiga ku eedeysay wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen ee ku nool mareykanka. Madaxweyne Erdogan ayaa intuu uu ku gudo jiray ololihiisa doorasho waxaa uu balan qaaday in uu qaadi doono xaalada deg degga ah ee la saaray dalkaasi hadii uu guuleysto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay