Wararka naga soo gaadhaya casimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in xilkii laga xayuubiyay Madaxdii shirkada Isgaadhsiinta ee Ethiopian Telekom.

Andualem Admassie oo mudo laba sano ah ahaa madaxa shirka ethio-telecom, yaa shaqada laga caydhiyay waxana la sheegayaa in sidoo kale shaqada laga erayay rag badan oo isaga ka hooseeyay balse anaan wali magacyadooda helin.

Shirkada Ethiopian Telecom waxay kamid tahay shirkadaha ugu waawayn ee Itoobiya waxaana 27-kii sanee u danbeeyay gacanta kuhayay dadkana ku cabudhin jiray kooxdii gabalkeedu dhacay ee TPLF, oo maanta gacan ku gabad ah kadib markii shucuubta dulman ay kacdoon aan kala joogsi lahayn kala hor tageen.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa wada Isbadal uu meesha kaga saarayo kooxda (TPLF) waxa uu inta badan horay uga caydhiyay kooxda Tigray meelihii muhiimka ah sida, Hay’ada Sirdoonka, Milatariga, Booliska iyo Dakhliga.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay