Wararka naga soo gaadhaya gobolka shiniile ee galbeedka Wadanka Ogaadeniya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ku adeegteen ee hawaarinta loo yaqaano ay ku xidh xidheen dad badan oo shacab ah kuwaasi oo aan waxba galabsan waxaana ku xidhan yihiin dagmada Afdem oo kamida gobolka Shiniile.

Hadaba waxaana soo gaadhay qaar kamid ah magacyadooda.

Ramadaan Adan ducale
Cabdilaahi Adan caraale iyo walaaki
Cabdi cumar cabdi
Xuseen Aadan (Xuseen dheere)
Xuseen Cali Dubad (Kompany)
Yusuf Cabdilahi Dharaar
Luqmaan Ibraahim Cawale
Nimca xasan qaraf
Derartu Cabdala
Ayaan Daahir Cusman
Amina Cali Cade
Foosiyo Cumar Cabdi (ganacsato ah)

Sida warar lagu kal soon yahay ay sheegayaan qaar kamida dhalinyarada ayaa waxaa loo gastay jidh dil badan waxaana lagu qasbayaa inayna danbiyo ay galin sheegtaan.

Dadkan shacabka ah ee la xidh xidhay aya waxay isugu jiraan dhalin yarada Bar baarta ee kacdoonka wada ganacsato iyo dadkale oo kamid ah shacabka magaalada.

Kooxda Hawaarinta ee gumaysigu ku adeegto ayaaa waxay sii laban laabeen dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Shiniile waxayna ahayd dhawaan markay gabadh ku dileen isla shiniile sidoo kalena ay qaar kale dhaawac u gaysteen kuwaasi oo wali yaala hospitalka magaalada Dire Dhaba.

ONA/Shiniile.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay