Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magalada dhiri dhaba ee galbeedka ogadeniya ayaa waxay sheegaya in wiil mayd ah lasoo dhigay meel u dhaw masaajidka Baabu Raxma ee magalada Dhiri Dhaba.

Marxuumka ayaa magaciisa naloogu sheegay Sulaymaan Xuseen ayaa mudo laba Habeenka ka hor ah la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay waxaana saaka isaga oo jidhdil nafta looga qaaday nabaro badanina ay jidhkiisa kuyalaan laga helay masaajidka Baaburaxma agtiisa.

Dhaqanka noocana ayaa waxaa caanku ah kooxda kooxda dhaaraanka u ah ciidamada gumaysiga Itoobiya ee Liyuubooliiska/hawaarinta loo yaqaano iyo ciidanka gumaysiga Itoobiya oo iyagu shaqo kadhigta laynta iyo gabood falka shacabka soomaalida Ogaadeniya.

Sidan aan wararkaa nagii hore idiin ku sheegnayba waxaa ka socda dil iyo xadhig baahsan oo lagu hayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan galbeedka Ogaadeniya waxaan ilaahay uga baryaynaa marxuumkaas inuu naxariistii jano ka waraabiyo ehelkiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

ONA/Dhire Dhaba.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay