Ciidamadii ku sugnaa xuduuda u dhaxaysa labada wadanka ee Itoobiya iyo Eritrea ayaa la qaaday kuwaasoo taniyo 1998 dii markii dagaalka labada wadan ku sugnaa xuduuda labada wadan.

War saxaafadeed shalay kasoo baxay dawlada Eritrea ayaa lagu sheegay in la daabulay dhamaanba ciidamadii karoornaa xuduuda ee ku jiray difaaca hore ee dagaalka, waxaa kale oo bilaabatay dayac tirka wadada isku xidha Dakada Musawac iyo Itoobiya kuwaasi oo dhawaan la sheegay inay wax kala soo dagi doonto Itoobiya.

Xidhiidh duplamacy ee u dhaxeeya labada wadan ayaa soo hagaagaya taniyo intii uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya uu ku dhawaaqay inuu ka baxay dhulkii Eritrea laga qabsaday dagaaladii labada wadanka u dhaxeeyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay