Magaalada Adiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa ka bilawday baadhitaano kadis ah oo ay samaynayeen ciidamada Itoobiya. Baadhitaanadan ayaa waxaa laga sameeyay xaafadaha Bole Mak’el iyo Xaafadaha 22 ka.

Baadhitaankan ayaa sida la sheegay waxaa lagu soo qabtay hub badan oo sharci daro ku galay magaalada Addiss Ababa kaasi oo u badnaa baastoolada iyo qoryaha Ak47 ka.

Dhawaan ayay ahayd markii hubka nooc yadiisa kala duwan oo soo galayay magaalada Addiss Ababa dhexda lagu qabtay waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhacaan dilal qorshaysan oo lala beegsanayo shaqsiyaadka horkacaaya is badalka Itoobiya ka dhacay.

Xaalada Gumaysigq Itoobiya ayaa waxay guud ahaan u muuqataa mid kasoo daraysa ayadoon la saadaalin karin waxa dhici doona waloow ay jiraan is badalo badan oo uu ku talaabsaday Abiye Ahmed.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay