Itoobiya ayaa safiir u magacawday markii ugu horaysay mudo ka badan 20 sano kadib markii lasoo afmeeray colaadii mudada dheer u dhaxaysay Itoobiya iyo Eritrea taasoo ku salaysnayd soohdinta labada wadan u dhaxaysa.

Gumaysiga Itoobiya ayaa safiirka cusub ee wadanka Eritrea Itoobiya u fadhin doona u magacaabay Riwan Hussein oo horay safiir uga soo noqday wadanka Ireland. Tan iyo wixii ka danbeeyay 9-kii bishan oo labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiiska nabadeed waxaa xoogeysanayay dib u soo celinta diblumaasiyadii labada dal, iyadoo dhawaan Eritrea ay dib boodhka uga jaftay safaaradeedii Addis Ababa ku ooli jirtay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay