Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo heshiiska nabadeed oo lagu dhameynayo colaada dalkaas, laguna dhisayo dowlad loo dhan yahay.

Wadahadalo loogu kala dab qaadayo labada dhinac oo ka dhacay uganda bishan ayaa la isla gartay in Koonfurta Sudan ay yeelato shan madaxweyne ku xigeen iyadoo la qeybsan doono xilalka kale ee dowlada iyo awooda ciidamada. Mr Kiir ayaa sheegay in shacabka Koonfurta Sudan ay daneynayaan nabada waxaa uuna tibaaxay in uu aqbalayo wax walba oo dan u ah dadka rayidka.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay xaflad lagu dhaariyay wasiirka Arimaha Dibeda ee Koonfurta Sudan oo ka dhacday magaalada Jubba. Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa sanadii 2013 is khilaafay iyadoo dagaalo dhex maray mucaaradka iyo dowlada ay ku dhinteen kumanaan ruux. Kala badh dad ka u dhashay dalkaas ayaa ku barakacay colaada iyadoo sidoo kale ay saameysay wax soo saarka saliida Koonfurta Sudan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay