Boqortooyada sacuudiga ayaa heshiis milatari waxaa ay la saxiixatay dowlada Spain kaasi oo ay kaga iibsaneyso shan markab oo nooca dagaalka ah sida ay shaacisay wakaalada wararka sacuudiga ee (SPA).

Waxaa sidoo kale heshiiskan qeyb ka ahaan doono qalabeyn kale oo dhanka Milatariga ah gaar ahaan dhanka difaaca sida lagu sheegay heshiiska. Arintaan ayaa ka danbeysay kadib booqasho uu dalka Spain ku tagay bishii April Dhaxal Sugae Mohammed bin Salman kaasi oo loogaa hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Arintan ayaa waxaa ay imaaneysaa iyadoo hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujinayeen duqeymaha sacuudiga uu ka wado dalka Yamen. Qiimaha ku bixi doonto shanta markab ee kuwa dagaalka ah ayaa lagu sheegay lacag dhan 1.8 billion euros oo u dhiganta ($2.2 billion).

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horay waxaa hub ay uga iibsatay dalalka US UK iyo France tan iyo markii ay bilowday howlgalada ka dhanka ah kooxaha shiicada ee ku sugan wadanka yamen sanadii 2015-kii. Duqeymaha dhanka cirka ah ee xulufada ka wadaan Yemen ayaa wax yeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaadhay 600,000 ruux sida ay sheegtay hey,ad u doodo xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay dalka Yamen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay