Shirkii bilaha ahaa ee Faraca Barsan oo ah mid bil kasta si joogto ah loo qabto ayaa maanta si heer sare ah uga dhacay magaalada Garisa ee casimada gobolka waqoyi bari Kenya, shirkan oo ahaa mid watay dareen iyo shacuur gooni ah ayaa waxaa ka sooqaybgalay xubnaha kala duwan ee faraca Barsan iyo madax jabhadeed oo gole dhexe ah.

Ugu horayn waxaa shirka furay gudoomiyaha faraca Barsan mudane halgame Sheikh Ahmed Nuur wuxuuna kusoodhaweeyay oo shirka wacdi diini ah iyo ayado qur’aan ah ku furay halgame Sheikh Ahmed Khayraad, sheekhu wuxuu si qododheer uga hadlay ahmiyada ay diinteenu siisay jihaadka iyo ajirka qofka mujaahidka ah, isagoo intaas kusiidaray in qof walba oo muslim ah waajib kutahay inuu ka qaybqaato halganka xaqa ah ee lagu xorayn hayo dadka iyo dalka Ogadeniya.

Wacdigaas kadib waxaa shirka lagu soodhaweeyay madaxdii jabhada ee shirka fadhiday oo uu ugu horeeyo Halgame Nuur Maxamed Fatule, wuxuuna masuulku si waafi ah uga warbixiyay xaalada geeska afrika mida gumaysiga Itobiya iyo meesha uu marayo halganka lagu xorayn hayo wadanka Ogadeniya ee ay hogaaminayso Jabhada ONLF, sidokale wuxuu warbixin fiican ka bixiyay go’aamadii iyo baaqii ka soobaxay shirwaynihii 3aad ee jwxo oo dhacay 1/7 ilaa 7/7/2018.

Dhanka kale waxaa shirka fadhiyay oo isna lagu soodhaweeyay kuxigeenka Hogaanka Abaabulka Bulshada mudane Muxumed Qonbor oo isna soo jeediyay khudbad aad uwanaagsan kuna saabsanayn sidii shacabka dulman ee Somalida Ogadeniya loo jihayn lahaa loona tusi lahaa inay hada guushii taaganyihiin kaliya loobaahanyahay adkaysi iyo dadaal mintid ah.

Gabagabadii shirka waxaa isna goobta ka hadlay halgame masuul Maxamud Shafi Cabdiraxman oo ah xubin gole dhexe ah, sidokale wuxuu sheegay inay jabhadu soowado qorsheyaal iyo barnaamijyo lagu midayn hayo shacabka la gumaysto ee Somalida Ogadeniya, isagoo carabka kudhuftay inay jabhadu qaban doonto shirwayne qaran oo bulshada qaybaheeda kaladuwan ay ka soo qayb galidoonaan si looga wadatashado masiirka umada Soomaaliyeed ee ay Itobiya gumaysato.

Shirkan oo socday mudo dhawr saac ah ayaa waxaa sooxidhay gudoomiyaha faraca, wuxuuna shirku ku soodhamaaday si guul ah.

ONA/Barsan (Garisa).

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay