Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) ayaa waxay sheegayaan in dagaal khadhaadh uu ku dhex maray kooxda dhaaraanka u ah kuwa gumaysiga Itoobiya ee Liyuubooliska/hawaarinta loo yaqaano iyo dagaal yahanada geesiyada ah ee ONLF.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku dhacay Naasa Habloodada oo tuulada Shiniile udhaw kana mid ah dagmada Dhanaan ee gobolka Shabeele, dagaalkan ayaa waxaa kasoo gaadhay  khasaare aan faah faahintiisa kooxda dabadhilifka ah ee Hawaarinta.

Ciidamada geesiyada ah ee JWXO ayaa waxay u taagan yihiin marwalba difaaca sharafka iyo karaamada shacabka soomaalida Ogaadeniya ee gumaysiga Itoobiya xooga ku haysto.

Wararkan iyo faah faahintiisa hadii eebe yidhaahdo dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA/Ogaadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay