Iyadoo uu soo dhamaaday murankii dhinaca xudduuda ee muddo dheer-ba ka dhaxeeyay dowladdaha Eritrea iyo Itoobiya, ayeey dhinaca kale dowladda Jabuuti ka codsatay  Qaramada Midoobay in la dhameeyo muranka xuduuda ee kala dhaxeeya dalka Eritrea.

Maxamed Siyaaad Ducaale oo ah Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay qoraal uu u diray xoghayaha guud ee QM wuxuuna ku sheegay in laga shaqeeyo heshiis labada dhinacba u xalin lahaayeen murunka u dhexeeya. Safiirka ayaa sidoo kale meesha ka saarin in Jabuuti dooneyso in arrinka la hordhigo garsoor caalami ah si ay go’aan uga gaaraan.

Jabuuti ayaa Eritrea ku eedeysay in ay ciidamadeeda si sharci darro ah ku qabsadeen buuraha Dumeeyra isla markii ciidamadii nabad illaalinta ee Qatar ka socday ay ka baxeen halkaas sanadkii hore. Waxa kale oo ay Jabuuti sheeganaysaa in wali laga haysto maxaabiis dagaal oo aanan meelna lagu sheegin.

Eritrea ayaa muran xudduuddeed kala dhaxeeyaa dhammaan dalalka dariska la ah, sida Suudaan, Yemen, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaase hadda muuqda saansaan ah in dublamaasiyadda ay shaqayn karto.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay