Laamaha Sirdoonka iyo Police-ka UK ayaa u adeegsada caruurta hab jaajuusnimo ah, howlgalada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada falalka burcadnimada iyo la dagaalanka kooxaha ka baayac mushtara daroogada sida ay sheegeen barlamaanka dalkaasi.

Caruurta ay laamaha sirta u adeegsadan Jaajuusnimada ayaa waxay ka yar yihiin da’da 16 sano jir sida lagu sheegay warbixin todobaadkii hore laga soo saaray aqalka barlamaanka Uk. UK ayaa looga digay in ay sii wado qorshahan ay laamaha fulinta ugu ogolaatay in ay caruurta ay si xor ah u isticmaalaan.

Warbixinta ay soo saareen xubnaha barlamaanka ayaa walaac xoogan looga muujiyay talaabadan in caruurta loo isticmaalo la dagalaanka falal danbiyeedyada ka dhaca gudaha dalkaas. David Trefgarne oo ka mid ah xubnaha ugu waqtiga dheer barlamaanka ayaa sheegay in ay talaabadan ay maskax ahaan iyo jir ahaan ba dhaawac ay ku tahay Caruurta.

Xildhibaanka ayaa sheegay in caruurta kaliya aan loo isticmaalin howlgalada Police-ka balse loo adeegsado in ay xog u aruuriyaan laamaha sirta wadanka Uk. Balse xubnaha barlamaanka ayaa qeexin tirada caruurta ka yar da’da 16 Jir ah ee ciidamada police-ka iyo sirdoonka UK ay u adeegsadaan basaasnimada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay