Dowladaha Turkey-ga iyo Netherlands ayaa ku heshiiyay in ay dib u soo celiyaan xidhiidhkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay ee labada Dowladood kadib khilaaf soo kala dhex galay sanadii 2017-dii.

War saxafadeed si wadajir ah ay u soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in labada dal ay bilaabi doonaan xidhiidhka diblumaasiyadeed ee soo jireenka ahaa.

Wasiirka Arimaha Dibeda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu iyo dhigiisa Dutch-ka ayaa todobaadkii hore waxaa aay ku kulmeen shirkii Nato ee ka dhacay Magalada Brussels ee xarunta midowga yurub. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in si deg deg ah loo soo celiyo safriidii labada dhinac iyadoo arintan la horgeyn doono barlamaan ka labada dal.

Wasiirka Arimaha Dibeda eeHoland ayaa isna la qorsheynayaa in sanadkaan gudihiisa uu safar ku tago Turkiga si uu u xoojiyo xidhiidhka ay Turkiga la leeyihiin. Labada dhinac ayaa xidhiidhkooda waxaa uu xumaaday bishii March sanadii 2017-dii kadib markii Wasiirka Arimaha Qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kayar laga hor istaagay in ay gasho magaalada Rotterdam oo Turkiga uu qunsuliyad ku leeyahay.

Wasiirada ayaa dooneysay in ay ka qeyb qaadato olole loogu jiray wax ka badalka dastuurka turkiga oo dalalka yurub qaarkood ay ka soo horjeedeen. Dalka Holand ayaa waxaa ku nool 300,000 oo asal ahaan ka soo jeeda Turkiga kuwaasi oo qaatay dhalashada Dalkaasi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay