Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adiss Ababa ayaa waxay sheegayaan lacag Dolarka maraykanka ah oo qiimaheeda lagu sheegay 570,000 kun lagu qabtay inta u dhaxaysa magaalada Adiss Ababa iyo jig jiga  waxaana lagu qabtay meel lagu magacaabo Lomi oo kamida gobolka Oromiya.

Lacagtan ayaa sida la sheegay waxay ku jirtay baco iyo jawaano waxaana lacagta lala qabtay dirawalkii gaadhiga waday oo isna la xidhay.

Dhawaan ayay ahayd markii la qabtay lacag sidan oo kale malaayiin birka Itoobiya ah oo lagusii waday caasimada gobolka Tigrayga ee Maqala, waxaana taas ka horaysay mid ayadana lagu qabtay xuduuda sudan iyo gumaysiga Itoobiya u dhaxaysa.

Arinta ayaa waxaa lagu macneeyay lacagihii Coruptionka ahaa oo kooxda TPLF ay ka dal dalanayaan wadanka ayagoo raba inay wadanka ka bixiyaan.

Si kastaba ha ahaatee gaadhiga waday lacagtan ayaan la ogayn cida dhabta ah ee iskale wuxuuna booliisa Oromadu sheegeen inay baadhitaan ku hayaan lacagtan doolarka ah ee lagu qabtay Laamu.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay