Wararka aanka helayno gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in qowmiyada tigrayga ay ku jirto shir albaabadu u xidhanyihiin oo ay kaga arinsanhayaan talaabooyinkii ay qaadi lahaayeen iyo say uwajihi lahaayeen xaalada cakiran ee soo wajahday

Ururka TPLF oo 27-sanee u danbaysay xoog kuhaystay talada gumaysiga Itoobiya xasuuqya aan horay loo aragna ugaystay Shucuubta Itoobiya gumaysato gaar ahaan shacabka Sooomaalida Ogadenya ayaa salka dhulka ku dhuftay wuxuuna taagan yahay meel banaan.

Shirkan TPLF soo agaasintay oo bilowday 18-kii bishan July socona doona ilaa 23-ka bishan ayaan la ogayn waxay kasoo saari donaan, waxaase la saadaalinayaa inay dhaleecayn doonaan talaabooyinka Abiye Ahmed uu qaaday gaar ahaan magalada baadhame oo dalka Eritrea loo celinayo.

Dhanka kale waxaa lasheegayaa in booliska Tigraygu xabsiga utaxaabay dhalinyaro Tigray ah  oo markii xadka labada wadan lafuray dhanka Eritrea u gudubtay lana soo farxay ehaladooda oo ay mudo 20 sano ah kala xidhnaayeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay