19 March  2012  waxay ciidamada wayaanuhu weerar ku qaadeen guryo ay daggan yihiin qaar ka mid ah Odayaasha magaalada Awaare , falkaas waxshinimada ah ee lagu argagax galinayo dadka shacabka ah oo ka dhacay  gudaha iyo agagaarka magaalada Awaare ayaa dadku ku tilmaameen mid lagu bar-tilmaameedsanayo Indheer garadka iyo Odayaasha deegaanka,  taas oo looga jeedo in lagu bahdilo shacabka:

sida aan la socono waxay ciidamada cadawgu xabsiga ku hayaan Ugaaskii caanka ahaa ee Ugaas Maxamed  Duule,oo ay dhawaan ka soo xidheen magaalada Qabri-dahar

Hadaba odayaashaas qaar kamid ah oo magacyadooda ay nasoo gaadheen waxay kala yihiin

Cumar aadan cawal      {dhagdheer}

Cabdi risaaq  cadar

Cabdi dhabanay ismaaciil faarax

Indhacade cabdulaahi geele

Axmed koosaar catoosh

Nuur alaaki

Maxamed muuse caloolay

Xaaji maxamed

 

maalmo yar ka hor  ayay ahayd markii magaalada Dhagaxbuur lagu xidhxidhay dadka kor u dhaafaya 60 qof kuwaas oo ilaa hada ku jira gacanta cadawga ,mana jirto cid ka hadashay  ama la sugayo inay ka hadasho arintan ka socda ogaadeenya, ee xadgudubka ah.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay