Nin la sheegay in Daacish uu u qaabilsanaa duubista dilalka khaarijinta ee ka dhacay Muqdisho ayaa la soo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Eedeesanaha oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Xasan ayaa wajaha eedeemo kale duwan oo ku saabsan in uu xubin ka ahaa Daacish iyo in uu u qaabilsanaa duubista muuqalada xiliyada ay falalka dilka ah ay geysanayaan.

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Jamaac uu qirtay dambiyada lagu soo oogay, isla markaana go’aanka xukunkiisa dib ka soo sheegi doonaan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay