Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Australia gaar ahaana gobolka Qu’eensland magalada Brisbane, ayaa isoogu timid shir aan caadi ahayn oo is xog waraysi ahaa shirka uu soo qabanqaabiyay faraca Brisbane ee Jaaliyada Soomaalida ogadeniya.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan xubnaha Jaaliyada waxaana warbixin ku saabsan shirwaynihii 3aad ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ee lagu qabtay magalada casmara ee dalka Eritrea laga dhagaystay naftii hure xaliye oo kamid ahaa ergadii shirka ka qayb gashay.

Waxaa kale oo ka hadlay shirka xubno kale oo kamid ahaa masuuliyiinta Jaaliyada waxaa dhankooda ayaguna ka hadlay shirka xubno kale oo kamid ahaa ergadii shirwaynaha kasoo qayb gashay war bixinadii kala duwanaa ee masuuliyiinta JWXO kadib waxaa hoosta laga xariiqay dhamaanba qodobadii shirwaynihii 3 aad ee JWXO kasoo baxay in la dhaqan galiyo.

Guud ahaanba daafaha caalamka waxaa kasocda shirar ay Jaaliyadaha ogadeniya iyo Masuuliyiintii shirwaynihii 3 aad ee JWXO kasoo laabatay isku xog waraysan hayaan, waxayna dhamaan Jaaliyada iyo masuuliyiintu islaqaateen dardar galinta halganka ogadeniya iyo fulinta go,aamadii shirwaynihii 3 aad ee JWXO kasoo baxay.

ONA/Australia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay