Wararka naga soo gaadhaya casimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in waxa loogu yeedho booliska Federalka Itoobiya uu xabsiga utaxaabay 18 ruux oo lagu qabtay hub iyo lacag malayiin ah.

Booliiska Itoobiya ayaa sheegay inay dhawrkii bari ee u danbeeyay ay qabteen lacag ka badan 10$ milyan oo doolar loona waday dhulka gacanta Gumaysiga Itoobiya kujira ee Ogadenya iyo gobolka Tigrayga.

Sidoo kale taliska Itoobiya ayaa sheegay inay qabteen (1000 kun) qori iyo sideed kunoo (80,000) Rasaas ah Waxaana lasheegayaa in hubkan badankiisa loo waday casimada gumaysiga Itoobiya ee Addis Ababa. Gabi ahaanba wadooyinka Itoobiya ayaa lagu qabtay lacago iyo hub bilaa xisaab ah oon cid leh iyo cid loowado toona laqaoon.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay