Jaaliyadda Soomaalida ogaadeenya ee wadanka Koonfur Afrika magaalada Pretoria waxay maanta qabatay shir dadweyne oo ay kasoo qayb galeen dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada Iyo odayaasha.

Shirka ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah waxaana lagusoo dhaweeyay c/llaahi Sheekh Aadan oo wacdi diini ka soo jeediyay Waxaa kale oo lagu soo dhaweeyay c/risaaq shariif oo kamid ahaa ergadii shirka katimid kana soo jeediyay waribixin ku saab sanayd shirwaynaha 3 aad ee JWXO.

Sidoo kale Waxaa lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed daahir oo ka hadlay marxalada guud eega lagu jiro Iyo mowqif Jabhadda waddaniga xorreynta ogaadeniya (JWXO) sidoo kale wuxuu ka hadlay wixii kaga aadan guud ahaan JWXO gaar ahaan Jaaliyada Ogaadeniya ee Pretoria kaasoo dadka intiisa badan ku qanceen markii loo jeediyay.

Waxaa shirka marti ku ahaa Muna shugri Gaal-Eri oo kasoo jeedisay khubad aad shucuurta dadka usoo jeedisay kana hadashay halgankii dheeraa ee lasoo maray ujadadii la lahaa iyo mar xaladihii usoo maray waxayna carabka ku xajisay in xilliga hadda lagu jira aan cidna laga baryaynin aayaha umadda soomaalida ogaadeenya.

Waxaa gabagabadii shirka lagu soo gunaanaday talo bixino lawaydiiyay odayaashi dhalinyaradii Iyo hooyinkii kasoo qaybgalay shirka wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Pretoria.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay