Jaaliyadda Ogadenya ee wadanka Denmark ayaa maanta 22-07-2018 shir u qabatay xubnaha jaaliyada,shirkaas oo ku qabsoomay xarunta jaaliyada ee magaalada Copenhagen ayaa xubnaha looga warbixinayay shirweynihii 3aad ee Onlf oo qabsoomay intii u dhaxaysay 1-7/7/2028.

Shirka waxa warbixino kala duwan kasoo jeediyey masuuliyiin kamid ah madaxda jwxo oo uu kamid yahay hogaanka warfafinta jwxo mudane Xasan Macalin oo ka warbixiyey xaalada guud ee uu geeska afrika xiligan marayo.

Waxaa sidoo kale xubnaha shirka loo gudbiyey goaamadii shirweynaha iyo farriin  guud oo ay ku howl galayaan masuuliyiinta jaaliyadaha loona gudbinayo shacabka ogadenya iyo somaliweyn oo  dhan.

Shirka ayaa lagu goamiyey sidii loogu howlgali lahaa abaabulka iyo midaynta shacabka S/Ogadenya,waxayna jaaliyadu qabanaysaa shirar ay ku midaynayso shacabka ogadenya ugana warbixinayso xaalada uu marayo gobolka geeska afrika siiba ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay