Qaramada Midoobey (QM) ayaa sheegeysa in bukaanka ku jira isbitallada ku yaala marinka Qasa ee dhulka Falastiin ee go’doonsan ay halis geli karaan haddii Israa’iil ay qaadi weydo xayiradda ay ku soo rogtay marinka la isaga gudbo ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Qasa.

Sida ay sheegtay QM, ugu yaraan hal isbitaal ayaa ilaa iyo wakhtigan xaadirka ah ku khasbanaaday in uu si ku meelgaadh ah uu u xidhmo halka kuwa kale ay dhimeen adeegyadii ay bixinayeen sababo la xidhiidha xayiraada saaran Qaza.

Israa’iil ayaa muddo haatan shan maalmood laga joogo waxa ay sheegtay in ay hakinayso shidaalka la geeyo marinka Qasa. Waxa ayna arrintan ku sheegtay in ay uga jawaabeyso weeraro uga imaanayay dhanka Qaza oo ay ku eedeysay ururka Xamaas ee ka taliya marinka Qaza.

Israa’iil ayaa shalay sheegtay in maalinta talaadada ah ay dib u fureyso marinka badeecada iyo shidaalka looga gudbiyo Qasa, sababtoo ah xaalada marinka Qaza oo xasiloon wakhtigan xaadirka ah awgii ayay Yuhuudu sheegeen inay xayiraada ka qaadayaan Talaada bari.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay