Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuw dawlada  Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan. Warar aanu ka helnay dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in ilaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi. Weerarkan ayaa noqonaya mid aan noociisa looga baranin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Koonfurta dalka Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay