Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenya gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in shacabka Soomalida Ogadenya saaka bilaabay mudaharaad ay gumaysiga iyo gacanyarahiisa kagasoo horjeedaan.

Mudaharaadkan ayaa kabilowday suuqa magalada Jigjiga waxaana la sheegayaa in ciidanka gumaysiga Itoobiya rasaas nool nool shacabka u adeegsanayo si uu uga hortago mudaharaadka sida nabadgaliyada ah ay dadku xoriyadooda ugu dalbanayaan. Bananbaxa ayaa ku siifidaya guud ahaan magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Shacabka Soomalida Ogadenya muda qarni kabadan kujiray xabsi dusha kabanan ayaa bilaabay inay rabitaankooda cabiraan waxaana xasuusin mudan in dhalinyaro gadoodsani shalay xabsiyada gumaysiga ee Jigjiga kasoo furteen wilal haben hore guryahooda lagala baxay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay