Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ku qabsoomay xafiiska jaaliyada Ogadeniya ee magaalada Edmonton, shirka waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada Mudane Cabdi Cali wuxuuna halkaa ka soo jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo dhinacyo badan taabanaysay,

Wuxuu sheegay in waftigii shirkii casmara ka qayb galay ay warbixin Ina siin doonaan oo ay kamid ahaayeen madaxda golaha dhexe iyo aqoon yahano Dr’s Cibaado Xirsi, Yusuf Ismaaciil iyo Dr Maxamud Ugaas, waxaa kaloo goob joog ahaa isku duwaha jaaliyadaha Ogaadeniya Canada mudane c/ xakiin.

Waxaa shirweynihii 3aad ee jwxo si wanaagsan uga warbixisay Dr’s cibaado xirsi mahad oo kamid ah gudiga fulinta JWXO, sidoo kale waxaa iyana halkaa ka soo jeediyey hadalo qiimo leh xubnihii ka qayb galay shirweynihii 3aad ee JWXO waxaana loo kala warqaatay si waafi ah.

Xubnaha iyo kasoo qayb galayaashii shirka ayaa hoosta ka xariiqay in la dhaqan galiyo dhamaanba qodobadii kasoo baxay shirwaynahii 3 aad ee JWXO.

Runtii shirkan waxaa la isla qaatay in shirweyne loo qabto guud ahaan shacabka soomaaliyeed iyo kuwa la gumaysto ee Soomaalida Ogaadeniya ee ku dhaqan gobolka Alberta iyo nawaaxigeeda waxaana loo saaray gudi soo diyaarisa shirkaa ugu danbayn tiina shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/C/raxmaan sheekh.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay