Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan, in ugu yaraan 12 qof oo afar ka mid ah ay yihiin ciidamada dawladda ay ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Sanguuni ee Gobolka Jubba Land.

Kooxda Al-Shabab ayaa shalay waaberigii weerarka ku qaaday saldhigan oo ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya inay laba baabuur oo qaraxyo ah ay Al-Shabaab ku weerareen goobtaasi, kadibna uu xigay weerar rasaas ah.

Saraakiisha dawladda ayaa saxaafada u sheegay inay dileen ugu yaraan 8 maleehsiyaad ah oo soo weeraray xeradaasi saacadihii hore ee shalay.

Dhinaca kale, Al-Shaabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegtay inay saldhigaasi qabsadeen, islamarkaana ay ciidamada ka dileen 27 askari. Ma jiraan warar si rasmi ah u xaqiijinaya khasaarahaasi ay sheegeen labada dhinac.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay