War goor dhawayd kusoo dhacay isha war-qabadka ee Wakaalada Wararka Ogadenya (ONA) ayaa tibaaxaya in weerar khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhacay magaalada Dese ee Xarunta Gobolka Wollo ee Kililka Axmaarada.

Warkan ayaa intaas ku daraya in xalay salaadii maqrib kabacdi ay koox ku hubaysan tooriyo, budhadh, baangado iyo faashash ay weerar kusoo qaadeen dadkii Masjidka magaalada Dese ku cibaadaysanayay ee Muslimiinta ahaa. Weerarkan oo sida la sheegayo u muuqdo mid horay loosii qorsheeyay ayaa inta hada la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal qof meesha ay 11 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood dhaawacyo halis ah ay soo gaadheen.

Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa masjidkii weerarku ka dhacay gaadhay iyada oon gacanta lagu dhigin kooxdii weerarka gaysatay walina aan haybtooda la aqoonsanin ayaa hadana la aaminsan yahay inay weerarkan dabada ka riixayaan kooxda gabalkeedu dhacay ee TPLF oo meelo badan oo Itoobiya kamid ah colaado kala duwan oo isir nacayb ku salaysan ka hurinaysa.

Warkan iyo wixii kasoo kordha waxaad ka helaysaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay