Wararka naga soo gaadhaya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in Million Matiwos loo doortay madaxwaynaha kililka Shucuubta Koonfureed ee (SNNPR).

Doorashada madaxwaynaha cusub ayaa timid kadib markii Dessie Dalke oo ahaa madaxwaynaha Shucuubta Koonfureed lagu qasbay inuu iscasilo asagoo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay ama waxba kaqaban waayay iskudhicii qomiyadaha gobolka Shucuubta Koonfureed gaar ahaan qomiyada Wolaytaha oo dhibaato badan loogu gaystay magalada Hawassa iyo hareeraheeda.

Taniyo intii uu Abiye Ahmed xilka la wareegay waxaa guud ahaanba Itoobiya kasocda dagaalo isir nacayb iyo muran xuduudeed ku salaysan oo dhimasho dhaawac iyo barakac baahsan gaystay.

Waxaan  shaki kujirin in kooxdii TPLF kadanbayso isku dirka qomiyadaha kala duwan ee Itoobiya kuhoos dulman.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay