Ugu yaraan inta la xaqiijiyay 70 qof ayaa dhintay, tiro kalena wa aay dhaawacmeen kadib dab xoogan oo ka kacay agagaarka keymo ku yaala tuulooyin ku dhow caasimadda Giriiga ee Athens, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka Gurgos ee dalka Giriigga.

Magaalada yar ee dalxiiska loo tago ee Mati oo qiyaastii 30-km uga beegan caasimadda Athens ayaa halka ugu daran ee kaymaha gubanaya saameynta ku yeesheen, waxaana dabka sii xoojinaya dabaylo xoogan oo ka dhacaya halkaas.

Hay’adda Laanqayrta Cas iyo masuuliyiinka gobolka Girgos Kokkolis ayaa laga soo xigtay in dhimashada dadka wax ku noqday dabka kaymaha ka kacay ay kordheen kadib meydad kor u dhaafaya 26 ruux oo laga helay talaadadii meel u dhow magaalada dekedda leh ee Rafina.

Masuuliyiinta caafimaadka ee Giriiga ayaa sheegaya in Boqolaal ruux oo shaqaalaha dab damiska ah ay ku hawlan yihiin daminta dabka iyadoona in badan oo kamid ah dadkii ka ag dhawaa halka uu dabku ka kacay ay ka barakeceen.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, in ka badan 150 qof ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo uu burburiyay guryahoodii waxaana dowlada ay dadka ka agdhow keymaha uu dabku ka kacay ku amartay inay ka baxaan guryahooda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay