Koox dableey ah oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa galinkii danbe ee shalay degmada Howl-wadaag, ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha ku toogtay sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Ciriiri.

Sarkaalkan la dilay ayaa la sheegay in uu horay taliye uga soo noqday nabad-sugida degmada Waabari, iyadoo ay goobta ka baxsadeen raggii toogashada geystay oon wali haybtooda la garanaynin.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markiiba tagay goobta uu falku ka dhacay hase ahaatee ma jirin dad loo qabtay toogashada sarkaalkan ka tirsanaa ciidanka nabad-sugida.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay