Wararka nagasoo gaadhaya Itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka gumaysiga Itoobiya toogasho ku dileen hooyo uur leh oo isbitaal loowaday si ay ugu soo umusho isbitaalka.

Booliiska magalada Dembi dollo ee Kililka Oramada ayaa xabad ku faray gaadhi bajaj ah oo lagu waday Haweenayda dhimatay oo lagu magacaabi jiray Berhana Mamo. Sidoo kale waxaa dhaawacmay 4 qof oo kale oo Haweenayda lasocday.

Guud ahaan Gumaysiga Itoobiya ayaa xaalad is dhex yaac ah kujira, waxaana meel walba kasocda dilal iyo isku dhacyo udhaxeeya qomiyadaha kala duwan ee Itoobiya ku hoos dulman.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay